Allbanaadir.com
NEWSPUNTLAND

Iska horimaad caawa ka dhacay Magaalada Garowe & faahfaahino ka soo baxaya

Israsaasayn ayaa caawa magaalada Garowe ku dhexmartay ciiddanka ilaalada bandowga Garowe iyo ciidamo kale oo ku sugnaa goob lagu caweeyo oo ku taalla magaaladaas.

Sida dad goob joogayaal ah shi sheegeen Shaqaaqadan ayaa dhacday kadib markii ciidamada ilaalada ka ah bandowga saaran magaalada ay isku dayeen inay albaabada u laabaan goob ganacsi oo ay joogeen ciidamo kale, taasoo markii dambe isku bedeshay is rasaasayn.

Askari ka tirsan ciidanka ilaalada Madaxweyne ku-xigeenka Puntland ayaa ku dhintay halkaas halka Askari kale uu ku dhaawacmay falkan oo ka dhacay meel aan ka fogayn Kontoroolkii hore ee koonfurya Magaalada Garowe.

Ma jirto cid weli ka hadashay shaqaaqadaan, hase yeeshee waxay kusoo aadayaa xilli aad looga cabanayay ciidamada bandowga oo lagu eedeeynayay inay shacabka ku hujuumaan qori caaradiis ayna u geystaan gaboodfalo kala duwan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Afrika oo loogu deeqay Lacag loogu tala galay in loo isticmaalo talaalka Caronavirus

Cabdi Cade

Dagaal la isku habeensaday oo ka socda degaanka Masjid Cali Guduud

Caydiid Ali

Madaxweyne Biixi oo caawa soo saaray Wareegto xasaasi ah

Cabdi Cade
Taboola Ads ---