Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Wasaarada beeraha Somalia oo qeylo dhaan ka soo saartay arrin ka socota degmada Balcad

Qoraal ka soo baxay Wasaaradda Beeraha & Waraabka ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa waxay kaga digtay boob ay sheegtay in lagu hayo hantida dhulalkii danta guud ee xarumihii ADC-da iyo Fidinta Beeraha ee wasaaraddu ku laheyd Degmada Balcad ee gobolka Shabeellada dhexe.

Waxaa qoraalka lagu sheegay in wasaaradda  ogeysiineyso cid waliba ee gacanta ku heysa ama ku guda jirta boobka dhulalka Wasaaraddu leedahay ee ku yaalla degmada Balcad inay ka waantoobaan aysana isku dayin beecinta dhulalkan haddii kale ay la kulmi doonto cawaaqib xun sida lagu sheegay warka qoraalka ah.

HOOS KA AKHRISO QORAALKA WASAARADA OO DHAMEYSTIRAN

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

 

Related posts

Daad gureynta ajaaniibta oo sii xoogeysatay ka dib xabad joojinta Khartuum (Sawirro)

Caydiid Ali

Qoor Qoor oo u kuurgalay sida ay u shaqeyso Wasaarada Maaliyadda Galmudug (Sawirro)

Cabdi Cade

Qatar oo lagala hadlay Dar-gelinta Mashaariicda ay ka fulineyso magaalada Muqdisho

Cabdi Cade
Taboola Ads ---