Dowlada Somalia ka hadashay deeqda Caafimaad ee Imaaraadku keenay Muqdisho

Wasiiradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Fawziya Abikar Nur, ayaa maanta oo Talaado ah kula wareegtay gegidda diyaaradaha caalamiga ee Aden Abdulle ee Magaalada Muqdisho shixnad agab caafimaad oo 23.4 tan oo ay soo dhiibtay Dowladda Isutagga Imaaraatka Carabta, oo ay ku jireen maaskaro, dareeraha gacmaha lagu nadiifiyo iyo galoofyada ilaalinta leh si wax looga qabto faafidda cudurka safmarka ah ee Koroona feyrus.

Qoraal ka soo baxay wasaarada arrimaha dibeda Somalia ayaa looga mahad celiyey dowlada UAE deeqda ay soo gaarsiisay Muqdisho.

“Soomaaliya waxa ay uga mahadcelinaysaa Imaaraatka kaalmadooda caafimaad, waxa ayna u aragtaa haddiyad muujinaysa heerka wanaagsan ee xiriirka u dhexeeya labada dal iyo labada shacab ee walaalaha ah” ayaa lagu yiri qoraalka.

Munaasabadda lagu guddoomayay kaalmadani ayaa waxaa goob-joog ka kala ahaa Wasiirka Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka, Mudane Hamza Said Hamza iyo Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Abdulkadir Ahmed-khair Abdi.

Arintan ayaa ku soo beegantay xili xiriirka dowladaha Somalia iyo UAE uu mudooyinkanba sii xumaanayey ka dib xurguf siyaasadeed oo soo kala dhex gashay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -