Somaliland oo Somalia ku eedeysay iney fara gelin ku heyso arimaheeda u gaarka ah

Somaliland ayaa ku eedeysay dawladda federaalka ee Soomaaliya inay faro galin ku hayso arrimaheeda gudaha, gaar ahaan xaaladda cudurka COVID-19.

Somaliland ayaa si gaar ah u soo qaadatay sida ay sheegeen markii wasaradda caafimaadka Soomaaliya ay dadkii laga helay Coronavirus ee Somaliland ku dartay dadka laga helay COVID-19 ee Soomaaliya.

Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya oo 35 kiis oo cusub oo COVID-19 ah oo ay werisay shalay waxaa qeyb ka ahaa 3 kiis oo laga xaqiijiyey magaalooyinka Somaliland.
Wasiirka Warfaafinta Somaliland Saleebaan Yuusuf Cali ayaa sheegay in xad gudubka DF ku heyso arrimaha gudaha Somaliland uu yahay mid aan la aqbali karin

“Somaliland waa dal madax banaan caalamka oo dhana waa ka warqabaa, mana jirto cid aan madax banaanideena u daba fariisaneyno” ayuu yiri Wasiirka oo dowlada ugu baaqay iney faraha kala baxdo arrimaha u gaarka ah Somaliland.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

 

- Advertisement -