Talyaaniga oo lagala wareegay tirada dadka ugu badan ee u dhintay Caronavirus

Waxaa sii kordhaya tirada dadka daafaha caalamka ugu geeriyoonaya cudurka Caronavirus iyo kuwa uu ku dhacayo, waxaana wadamada caalamka ay wadaan dadaalo ay ku doonayaan in lagu xakameeyo caabuqan saf marka ah.

Dalka Talyaaniga ayaa hogaaminayay tirada dadka ugu badan ee u dhintay cudurka Caronaviru, hasa ahaatee dalka Mareykanka ayaa hada noqday dalka ay dadka ugu badan ugu geeriyoodeen Caronavirus.

Sida ay shaacisay jaamacadda Johns Hopkins ayaa gudaha Mareykanka ayaa  cudurka Caronavirus waxaa ugu dhintay dad ka badan 20,000 qof, waxa uuna Mareykanka ka sara maray Talyaaniga oo cudurkan ku dilay dad gaaraya 19,468 .

Mareykanka ayaa hada ah dalka laga helay kiisaska ugu badan ee Caronavirus, waxaa sidoo kale dalkaasi si deg deg ah u noqday dalka dadka ugu badan uga geeriyoodeen cudurka Caronaviris.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -