Dad badan oo ku sugan Muqdisho oo laga helay Caronavirus iyo labo sargaal oo kamid noqday

War saxaafadeed goordhaw kasoo baxay wasaarada caafimaadka Xukuumada Soomaaliya ayaa lagu xaqiijiyay in magaalada Muqdisho laga helay sagaal kiis cusub oo caabuqa caronavirus ah.

Dadka laga helay caabuqa Caronavirus ayaa dhamaan la sheegay in ay ahaayeen dad joogay magaalada Muqdisho, waxaana ku jira labo sargaal oo katirsan wasaarada caafimaadka Soomaaliya.

Halkan ka Akhriso War saxaafadeed kasoo baxay wasaarada caafimaadka

 

•Maanta oo ay taariikhdu tahay 10/04/2020, waxaan xaqiijinaynaa inay soo kordheen 9 xaaladood oo cusub oo laga helay cudurka Corona. Dadkaan ayaa dhamaantood ah dad ku sugan magaalada Muqdisho oo aan wax safar ah dhowaan galin.

•6 kamid ah waa dad horey iyagu xiriir ula sameeyay qof ka mid ah dadkii horeya cudurka looga helay

• Waxaa ka mid ah dadka maanta laga helay cudurka labo sarkaal oo u shaqeeya Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada, taasoo ka dhigaysa tirda guud ee shaqaalaha Wadaaradda Caafimaadka ee uu saameeyay cudurku afar (4)

•Tirada guud ee cudurka Corona laga helay ayaa waxay noqonaysaa 21 qof wadanka oo dhan

•Sida hada inoo muuqata, waxaa xanuunkii uu si aayar ah ugu faafayaa buslshada dhexdeeda

•Waxa aad u haboon in qof walba oo innaga mid ah uu la yimaado taxadar dheeraad ah, lana raaco dhamaan fariimaha iyo talooyinka Wasaarddu ay bixinayso.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -