Hal Wadan oo shalay kaliya dad ku dhaw 2-kun qof ugu geeriyoodeen Caronavirus

Waxaa sii kordhaya maalinbo maalinta ka dambeesa dadka u dhimanaya iyo kuwa uu ku dhacayo cudurka dunida kusii faafaya ee Caronavirus, waxaana cudurkan uu noqday musiibo laga wada dareemay dunida oo dhan .

Dalka Mareykanka ayaa hada ah wadanka saameynta ugu badan uu ku yeelanayo cudurka Caronavirus, waxaana dalkaasi shalay kaliya cudurkaasi ugu geeriyooday dad ka badan 1,800 oo qof.

Gobolada kala duwan ee dalka Mareykanka ayaa la sheegay in uu kusii faafayo cudurka Caronavirus, Mareykanka ayaana hada hogaaminaya kiisaska ugu badan ee caalamka ee Covid-19, waxana dalkaasi laga diiwaan galiyay in ka badan 398,000 oo qof.

Magaalada New York ee ayaa shalay kaliya waxaa cudurka Caronavirus ugu geeriyootay dad tiradoodu ay gaarayso 731 qof, waxaana laga cabsi qabaa in ay sii kordhaan saacadaha soo aadan dadka magalaadaasi ugu geeriyoonaya cudurkan.

Guddiga gaarka ah ee uu madaxwayne Trump u saaray xakameynta cudurka Covid-19 ayaa sheegay in la saadaalinayo in gudaha Mareykanka Caronavirus ugu dhiman karaan dad tiradoodu ay gaarayso 240,000.

Dadka uu caalamka ku haleelay cudurka Caronavirus ayaa hada tiradooda waxa ay gaareysa in ka badan 1.4 milyan oo qof, waxaa sidoo kale sii kordhaya dadka daafaha caalamka ugu geeriyoonaya cudurka Covid-19.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -