Jaad si sharci daro ah looga keenay dalka Itoobiya oo maanta la gubay (Daawo Sawirada)

Waxaa maanta fagaare kuyaala degmada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud lagu gubay jaad fara badan oo si sharci daro ah looga keenay dalka Itoobiya lana doonayay in si dhuumaaleysi loo soo galiyo degmadaasi.

Ciidamada booliiska degmada Caabudwaaq ayaa gacanta kusoo dhigay jaadkan magaalada lasoo galiyay, waxa ayna ciidamada jaadka isugu geeyeen goob fagaare ah halkaas oo ugu dambeyn lagu gubay.

Taliyaha Booliska degmada Cabudwaaq Qalbi Nuur Axmed ayaa warbaahinta u sheegay in howl ay sameeyeen ciidamada booliiska ay kusoo qabteen 5 Ruux iyo gaadiidka jaadka lagu waday kuwo kalena ay baxsadeen oo ay ku raad joogaan.

Waxa uuna digniin u diray dadka sida sharci dfarada ah jaadka kusoo galinaya degmada Caabudwaaq, waxa uuna sheegay in talaabo ka qaadi doonaan dadkaasi sidoo kale gubi doonaan jaadka.

Jaadka ayaa gabi ahaan laga mamnuucay in gudaha Soomaaliya la keeno sabababo la xariira cabsida laga qabo caabuqa Caronavirus, waxaana jaadka wali si dhuumalawysi ah lagu soo galiyaa magaalooyin dalka kuyaala ay ku jirto Muqdisho.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -