Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

COVID-19: Argagax ka taagan Maraykanka & dhimashada oo tiro beeshay (Sawirro)

Waxaa sare u sii kacaya dadka u geeriyooday cudurka Covid-19 caalamka oo dhan, waxayna xilligan gaareen in ka badan 72,000 qof iyadoo dadka uu soo ridanay ay saacad kasta sii kordhayaan.

Dadka u dhintay Coronavirus 75% waxay ku noolaayeen Yurub, laakiin Mareykanka oo xaaladiisu ka sii dareyso ayaa dadka cudurka u dhintay waxay ku dhow yihiin 10,000 qof, waxaana dunida oo dhan dadka sida cudurka ku dhow yihiin 1,300,000 (Hal Milyan iyo saddex boqol kun oo ruux).

Madaxda dalka Mareykanka ayaa si weyn uga digay in toddobaadkan maanta u bilowday ay Coronavirus u dhiman doonaan dadkii ugu tirada badnaa ee Mareykan ah, iyadoo heerka ugu sareeya uu cudurka gaari doono gobollada Mareykanka oo la ciirciiraya dhibaatadii Caafimaad ee abid ay wajahaan.

Xaalad laga naxo ayaa laga soo sheegay isbitaalada Mareykanka oo ay heysato awood ka badan, ayna ku yar yihiin qalabka caafimaadka, taasoo keentay inay awoodi waayeen in qalab ay xirtaan loo helo dhaqaatiirta iyo kalkaaliyeyaasha caamaadka ee la tacaalaya dadka badan ee soo ritay Coronavirus.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com   

Related posts

Maxaa hortaagan in Soomaaliya yeelato Garsoor Cadaalad ah ? (Xaqiiqada Ogow)

Cabdi Cade

Gaadiid nuuca Gaashaamaan oo lagu wareejiyay Ciidamada Gor Gor (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade

(Sawirro) RW Khayre oo booqday Injineeradii Turkiga ee ku dhaawacmay qaraxii Afgooye

Caydiid Ali
Taboola Ads ---