Laftagareen oo digniin culus siiyey beelaha ku dagaalamaya Wanle-weyn

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ayaa ka hadlay Colaadda ka socota Degmada Wanlaweyn ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Madaxweyne Cabdicasiis ayaa marka hore tacsi u diray dadkii ku geeriyooday colaadda Wanlaweyn, isagoo colaadaas uu ku tilmaamay mid islaanimada iyo Soomaalinimada ka fog.

Waxaa uu sidoi kale shegay Madaxweynaha Koonfur Galbeed in ay  sharciga horkeeni doonaan cid walba oo ku lug leh dagaalka xun ee maalmihii la soo dhaafay ka dhacayay Degmada Wanla-weyn iyo deegaanada hoostaga.

Qoraal ka soo baxay Xafiiska madaxweeyne Lafta-gareen ayaa waxaa lagu sheegay in Guddi loo saari doono colaada Wanla-weyn, kuwaasi oo si deg deg ah u kala dhex geli doona beelaha walaalaha ah ee ku dagaalamayo Wanlaweyn.

Ugu yaraan 20 qof ayaa ku dhintay dagaalkan, qaar kale oo badana oo wey ku dhaawacmeen, waxaana maleeshiyaadka ka qeyb qaatay ay ku kaceen falal argagax leh, iyadoo baraha bulshada la soo geliyey muuqaalo la xiriira meydad la gubayo iyo dad iskugu jira caruur iyo waayeel aan shaqo ku laheyn dagaalka oo la leynayo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com   

- Advertisement -