Mid kamid ah wadamada Caalamka oo xusay dadkii uga dhintay Caronavirus (Sawirro)

Dalka Shiinaha oo ah halkii uu kasoo bilowday cudurka sida weyn dunida ugu faafay ee Caronavirus ayaa xus loogu sameeyay dadkii tirada badnaa ee dalkaasi uga geeriyooday caabuqan.

Dhawaqa digniinta ee duqeymaha cirka, hoonka maraakiibta, kan gawaarida iyo midka tareennada ayaa laga yeeriyay guud ahaan waddanka Shiinaha, taas oo lagu xasuusanayay dadkii u dhintay cudurka coronavirus.

Waxaa sidoo kale dadka Shiinaha mudo sadex daqiiqo ah ay joojiyeen dhaq dhaqaaqa iyaga oo xasuusanayay kana murugeesnaa dad ka badan 3-kun oo qof oo gudaha Shiinaha ugu geeriyootay Covid-19.

Dalka Shiinaha uu kasoo bilowday cudurka Caronavirus ayaa dadaal badan kadib ku guuleestay in ay xakameeyaan cudurkaasi, waxaana inta badan dadka Shiinaha kasoo kabteen cudurkaasi oo hada Wadamada caalamka si weyn ugu sii faafaya.

- Advertisement -