Musharaxiinta Gudoonka Baarlamanka KGS oo maanta khudbadahooda jeedinaya

Xildhibaannada cusub ee Baarlamanka labaad ee Koonfur Galbeed ayaa maanta kulan ku yeelanaya magaalada Baydhabo, iyagoo dhegeysanaya musharixiinta u taagan qabashada xilka guddoonka Baarlamanka maamulkaas

Musharaxiinta isdiiwaan-geliyey oo gaaraya shan xubnood ayaa u taagan qabashada guddoomiyaha Baarlamanka Koonfur Galbeed iyo labadiisa ku-xigeen, waxaana la filayaa iney maanta jeedinayaan khudbadahooda musharaxnimo, si ay ugu ololeeyaan in la doorto.
Musharixiinta maanta Khudbadahooda jeedinaya ayaa waxaa ay magacyadooda kala yihiin.

1-Xildhibaan Cali Saciid Fiqi musharax Gudoomiye Baarlaman.

2-Xildhibaan Maxamed Cabdiraxmaan Nuur Musharax Guddoomiye Baarlamaan.

3-Xildhibaan Aamina Isaaq Maxamed u musharax guddoomiye ku-xigeenka 1aad ee Baarlamaanka Koonfur Galbeed

2: Xildhibaan Maxamed Nuur Maxamed musharax Guddoomiye ku-xigeenka 1aad ee Baarlamaanka Koonfur Galbeed.

1: Xildhibaan Shamso Maxamed Yarow musharax guddoomiye kuxigeenka 2aad ee Baarlamaanka Koonfur Galbeed.

Doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka koonfur Galbeed iyo labadiisa ku-xigeen ayaa la filayaa iney maalinta beri ah ka dhacdo magaaladan Baydhabo, waxaana gudoomiyaha baarlamanka KG si weyn loo saadaalinayaa inuu ku soo baxo Dr. Cali Saciid Faqi oo ahaa danjirihii DF u fadhiyey Midowga Yurub.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com 

- Advertisement -