Somalia oo ka qeyb galaysa Meertada 90aad ee Shirweynaha INTERPOL (Sawirro)

Wasiir Wasaaradda Amniga Gudaha ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Axmed Sheekh Cali iyo wafdi uu horkacayo ayaa magaalada New Delhi ee Dalka Hindiya kaga qayb galay meertada 90-aad ee Shirweynaha Booliska Adduunka ee INTERPOL.

Wafdiga wasiirka ayaa waxaa qeyb ka ah Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed S/Gaas Cabdi Xasan Maxamed Xijaar iyo wafdi ka kooban saraakiil Sarsare oo ka socda Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

Shirka oo ay ka soo qayb galayaan madax ka kala socota in ka badan 165 dalka ayaa socon doona inta u dhexaysa 18 ilaa 21 bishan Oktoobar.

Waxaa looga hadli doonaa ka hortagga denbiyada maaliyadeed ee caalamiga ah, wax-ka-qabashada burcadda Internet-ka, la dagaallanka argagixisada, ka hortagga denbiyada xuduudaha isaga gudba, daroogada iyo lacagaha sharci darrada ah, kuwaas oo dhammaan ka mid ah khataraha uu wajahayo guud ahaan amniga caalamku.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -