Allbanaadir.com
NEWS

Ra’isul Wasaare Xamse Barre oo ballanqaad cusub ka helay Abdullah Bin Salem (Sawirro)

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Qatar ee Soomaaliya, Dr Abdullah Bin Salem Al Nuaimi, iyaga oo ka wada hadlay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga ka dhaxeeya labada dal

Ra’iisul Wasaaraha, ayaa uga mahadceliyey Dowladda Qatar taageerada ay siiso Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada amniga, kaabayaasha dhaqaala iyo horumarinta adeegyada asaasiga ah.

Dhinaciisa, Danjire Abdullah, ayaa xusay in ay sii wadi doonaan taageerada dhinacyada kala duwan leh ee ay mar walba la garab taagan yihiin Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.

Dowladda Qatar ayaa kamid ah dowladaha sida weyn u taageera Soomaaliya , waxa ayna dowladan dhaqaale iyo garab istaag kalaba ku taageertaa Soomaaliya, iyadoona mar aheyd Qatar dalka haga siyaasadda Soomaaliya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Wasiiro katirsan Koonfur Galbeed oo xilka laga qaaday iyo kuwa cusub oo la magacaabay 

Cabdi Cade

Trump oo ka hadlay waxyaabaha laga faa’iidi karo Heshiis ay la galaan Kuuriyada Waqooyi

Cabdi Cade

James Swam oo Warbixin ku saabsan Doorashada Soomaaliya u gudbiyay Golaha Amaanka

Cabdi Cade
Taboola Ads ---