Kiiskii 3aad ee cudurka Coronavirus (COVID-19) oo laga helay Soomaaliya

Wasiirka Caafimaadka Xukuumada Somalia Fowsiya Abiikar Nuur ayaa goor dhow shaacisay in Somalia laga helay kiiskii 3aad ee la xiriira cudurka Coronavirus oo caalamka ku haya dhibaatada xooggan.

Fowsiya Abiikar Nuur oo ka hadleysay barnaamijka kulanka Jimcaha ee ka baxa warbaahinta Dowlada ayaa sheegtay in qof ka tirsan shaqaalaha ajnabiga ah ee ku sugan Xalane laga helay cudurka, ayna ka soo baxeen calaamadaha lagu garto COVID-19.

Wasiiradu faahfaahin kama bixin dalka uu u dhashay qofkan ajnabiga ah balse waxay sheegtay inuu dalka galay dhowaan, markii laga baaray cudurkana laga helay, ka dibna lana karantiilay.

“Dadka leh Wasiirada been bay sheegeysaa cudurka kama Jiro Somalia, ama siyaasadeynaya waxaan u sheegayaa in Wasaarada Caafimaadka aysan heysanin qalabka lagu baaro cudurka, waxaana qofka sambalada aan ka qaadno lagu soo baaraa sheybaar ku yaalla Nairobi oo aqoonsi buuxa ka heysta heyadda Caafimaadka adduunka ee WHO” ayey tiri Wasiirada.

Fowsiya Abiikar Nuur ayaa intaas ku dartay in wasaarada caafimaadka DF aysan laheyn awood balaaran maadaama dalku uu ku jiro xaalad soo kabasho balse ay ku dedaaleyso intii karaankeed ah in laga hortago cudurkan inta uusan ku faafin dalka.

Dhinaca kale xafiiska Qaramada Midoobey ee Soomaaliya ayaa xaqiijiyey in shaqaale ka mid ah shirkad qandaraas ka qaadata QM laga helay cudurka Coronavirus (COVID-19).

“Qandaraasluhu wuxuu ku jiray karantiil sideed maalmood ka hor, Qaramada Midoobay ayaa si dhab ah u qaadaysa talaabooyinka lagama maarmaanka u ah daryeelka qandaraaslaha iyo ka hortagga faafitaanka cudurka” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay UNSOM

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -