Shaki la galiyay Kiiska Caronavirus ee maanta Dowladu sheegtay in Muqdisho laga helay

Wasaarada Caafimaadka Xukuumada Soomaaliya ayaa maanta shaacisay in magaalada Muqdisho laga helay kiiskii labaad oo Caronavirus ah oo laga helay sargaal dhalinyaro ah oo ka yimid dalka Talyaaniga.

Xildhibaan Mahad Salaad oo katirsan Baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa shaki galiyay ruuxa la sheegay in laga helay caabuqa Caronavirus, waxa uuna xusay in ruuxaasi uu la hadlay una sheegay in uusan isku arag calaamadaha Caronavirus.

Waxa uu sheegay Xildhibaanka in Warkan kasoo baxay Wasaarada Caafimaadka Soomaaliya yahay mashruuc uu tilmaamay in lagu qaraabanayo  laguna rabo aduunka in lacag looga cuno.

Halkan ka Akhriso Qoraal uu arintan uga hadlay Xildhibaanka

Waxaan mardhow wada hadalnay wiilka la yiri waxaad qabtaa caabuqa Coronavirus wuxuu ii sheegay in uusan arag wax calaamad ah oo muujinaya in uu qabo xanuunkaan. Wiilkaan ayaa ka mid ah dhalinyaradii saraakiisha ciidamada Soomaaliya ee tababarka u aaday dalka Talyaaniga oo dhowaan dib ugu soo laabtay magaalada Mogadishu, mudo 9 beri ah ayuuna meel ku karantiilnaa isaga iyo dhalinyaradii la socday.

Haddaba, su’aashu waxay tahay qof 9 maalmood meel ku karantiilnaa, ilaa hadana wax calaamad ah oo muujinaya in uu qabo xanuunkaas aysan jirin sidee loo dhihi karaa waad xanuunsan tahay. Sidoo kale sida Wasaarada Caafimaadka noo sheegtay qalab lagu baaro cudurkaan ma yaalo Soomaaliya marka sidee ku ogaadeen?

Waxaa ii muuqda cudurkaan in uu noqday mashruuc lagu qaraabanayo oo la rabo aduunka in lacag looga cuno, mana ahan wax la aqbali karo in dadka Soomaaliyeed la argagax geliyo si dhaqaale looga sameeyo. Sidaas daraadeed waxaan ku talinayaa saraakiisha Wasaarada Caafimaadka ee arintaan sheegay in aan looga harin sheegashadooda ee baaritaan dheeri ah la sameeyo!

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -