Qorshe Shirka wada tashiga looga wareejinayo Dhuusamareeb oo ka bilowday Garowe

Siyaasiyiin ka soo jeeda Puntland ayaa bilaabay qorshe cusub oo shirka wada tashiga madaxda DF iyo dowlad goboleedyada looga soo wareejinayo magaalada Dhuusamareeb oo haatan gogoshiisu taalo.

Arrinta aya ku soo beegantay xili madaxda dowlad goboleedyada ay maanta gaareen magaalada Garowe, iyagoo ka qeyb galay aas Qaran oo loo sameeyey Madaxweynihii hore ee Puntland marxuum Maxamed Cabdi Xaashi oo maalmo ka hor geeriyooday, iyadoo isla berina uu Garoowe ku sii jeedo RW Khayre oo haatan ku sugan Dhuusamareeb si uu uga qeyb galo aas kale oo halkaas loogu sameynayo RW hore ee Somalia marxuum Xasan Abshir Faarax.

RW Khayre iyo madaxda Dowlad goboleedyada ayuu qorshuhu yahay iney ku laabtaan Dhuusamareeb marka soo gebagebeeyo aaska labada marxuum si ay uga qeyb galaan wejiga labaad ee shirka wada tashiga oo halkaas lagu balamay in lagu qabto.

Balse waxaa saacadihii ugu dambeeyey soo baxay olole xooggan oo ay wadaan siyaasiyiin reer Puntland ah kuwaasoo isku dayaya iney Madaxweyne Deni ka dhaadhiciyaan in marka aasku dhamaado aan dib loogu laabanin Dhuusamareeb, shirka wada tashiga wejigiisa labaadna uu ka furmo Garowe, maadaama dhamaanba madaxdii ka qeyb gali laheyd ay halkaas ku wada sugan yihiin.

Qorshahan oo ka dhigan (Hal dhagax labo shimbirood ku dil) ayaanan la ogeyn sida looga dhaadhicin karo madaxda DF iyo kuwa dowlad goboleedyada oo Garowe u tagay oo kaliya iney aas ka qeyb galaan.

Madaxweyne Deni ayey warar lagu kalsoon yahay sheegayaan in loo bandhigay qorshahan shirka wada tashiga looga weecinayo Dhuusamareeb, laguna geynayo Garoowe, balse lama oga inuu aqbalay iyo in kale.

War-Murtiyeedkii ka soo baxay wejiga labaad ee shirka Dhuusamareeb ayaa lagu casuumay madaxda DF iney ka soo qeyb galaan wejiga labaad ee shirkaas oo lagu qaban doono isla Dhuusamareeb, sidaas awgeed dadka siyaasada falanqeeya ayaa aaminsan in xitaa haddii uu qorshahan aqbalo ay Madaxweyne Deni ku adkaan doonto inuu ka dhaadhiciyo madaxda kale ee dowlad goboleedyada iyo DF.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -