Bangiga Hormarinta Afrika oo gabi ahaanba Deyntii kawada cafiyey Soomaaliya.

Bangiga Hormarinta Afrika (AFDB) ayaa 122.55 Milyan oo doolar oo aheyd deyn uu kulahaa Soomaaliya ka saamaxay, kadib markii ay lacagtaas bixiyeen Boqortooyada Ingriiska iyo wadamada ku bahoobay Midowaga Yurub, sida lagu cadeeyey warsaxaafadeed kasoo baxay Bangiga Afirka oo lagu sheegay inay astaan u tahay dhamaadka cunaqabateynta iyo bilaabashada wadashaqeynta Bangiga Hormarinta Afrika iyo Soomaaliya.

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Dr C/raxamaan Ducaale Beeyle ayaa talaabada Bangiga hormarintu qaaday ku tilmaamay mid bilow cusub u ah Soomaaliya, isagoo intaa ku daray in ay sii wadi doonaan dib u habeynta maaliyada tan iyo inta laga xaqiijinayo cafinta deymaha lagu leeyahay Soomaaliya.

Akinwumi Adesina, Madaxweyne Bangiga Hormarinta Afrika ayaa hoosta ka xariiqay muhiimadda taariikhdaan leedahay, waxaana uu muujiyey sida ugu faraxsanyahay doorka hogaaminta ee uu qaatay Bangiga Hormarinta Afrika si deynta looga cafiyo Soomaaliya, taas oo ku tilmaamy mid ka turjumeysa awoodda iskaashiga iyo wadashqeynta joogtada ah.

“Waxaan amaanayaa dadaalada dowladda Soomaliya ee dib u habeynta, dowladda Ingriiska iyo dowladaha Midowaga Yurub ee bixiyey Deyntii Bangiga Hormarinta Afrika kulahaa Soomaaliya,intaas oo wadajirah, waxay sidaas u sameenayeen waa dadka Soomaaliyeed dartood” sidaas waxaa yiri Akinwumi.

War saxaafadeedka kasoo baxay Bangiga Hormarinta Afrika (AFDB) ayaa lagu xusay siyaasad cusub oo dhanka howlaha ee kuwajahan Soomaaliya iyo sida uu gacan uga geysan karo kobcinta dhaqaalaha Soomaaliya iyo xoojinta hormarka Soomaaliya.

Sidoo kale Bangiga ayaa hadda ka caawiya Soomaaliya dhinacyo kala duwan oo ay ka mid yihiin; Beeraha, Biyaha, Nadaafadda, gadiidka, tamarta, arrimaha bulshada iyo dhisidda awoodda wax looga qabanyo dhincyo badan oo dhaqaalaha, taas oo ay ku baxeyso lacag dhan 135 Milyan oo dolar.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -