Allbanaadir.com
NEWS

Daawo Sawirada: Wasiirka Amniga iyo Taliyaal Ciidan oo kormeeray Koontaroolo laga soo galo Muqdisho

Wasiirka Amniga Xukuumada Soomaaliya ay Wehliyaan Taliyaasha Ciidamada Nabad sugida , Booliiska iyo Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa xalay kormeer ku maray Koontaroolo kuyaala Magaalada Muqdisho.

Wasiirka iyo Taliyaasha ciidanka ee la socday ayaa Kormeeray Koontaroolada laga soo galo magaalada Muqdisho gaar ahaan Isgoosyada Ex-Contarool Balcad iyo Afgooye, waxa ay sidoo kale kormeereen laamiga Warshadaha.

Masuuliyiinta iyo taliyaasha ciidanka ayaa u kuur galayay sida Ciidamada amaanka gaar ahaan kuwa Xasilinta iyo booliiska u xaqiijinayaan amaanka magaalada Muqdisho gaar ahaan koontaroolada magaalada laga soo galo.

Wasiirka amniga,guddoomiyaha Gobolka Banadir iyo saraakiishii la socotay  ayaa waxey kormeerka kusoo gabo gabeeyeen Xeebta liido, oo xiliyada habeenkii ah maqaaxiyo ku yaala dhalinyaradu ku qaxweeyaan, waxa ayna halkaas ay waqi kula qaateen dhalinyarada.

Kormeerka ay sameeyeen xalay Wasiirka Amniga iyo Taliyaasha Ciidanka ayaa kusoo aadaya xili amaanka magaalada Muqdisho maalmihii lasoo dhaafay sii xumaanayay kuna soo badanayeen dilalka qorsheesan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Taliye sare oo katirsanaa Ciidamada Israa’iil oo dagaal lagu dilay

Cabdi Cade

Sidee qaadka loo soo geliyaa Magaalada Muqdisho yaase ku lug leh? (Warbixin)

Caydiid Ali

Doorashada Aqalka sare oo ka bilaabaneysa Baydhabo iyo Madaxweyne Lafta Gareen oo…

Cabdi Cade
Taboola Ads ---