Tartanka Ciyaaraha dowlad goboleedyada & Gobolka Banaadir oo furmay (Sawirro)

Tartanka kubadda cagta ee maamul goboleedyada iyo gobolka Banaadir, ayaa galabta si rasmi ah uga furmay magaalada Muqdisho, kulanka furitaankana waxaa wadda ciyaaray gobolka Banaadir iyo Dowlad Gobolka Galmudug oo ka tirsan groupka koowaad ee tartanka (Group A).

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magalaada Muqdisho mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar filish), Wasiirka wasaaradda dhallinyarada iyo ciyaaraha XFS Xamsa Saciid Xamsa iyo guddoomiyaha xariirka kubadda Cagta Soomaaliyeed Cabdiqani Saciid Carab, ayaa si wadda jir ah u daah furay tartanka kubadda cagta ee maamulka goboleedyada iyo gobolka Banaadir oo kulankiisii ugu horeeyey lagu ciyaaray garoonka Eng Yariisoow ee degmada Cabdicasiis ee gobolka Banaadir.

Kulankii furitaanka tartanka kubadda cagta ee dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir oo ay ka soo qayb galeen taageerayaal fara badan iyo mas’uuliyiin kala ayaa waxaa ku baratamay ciyaaryahanada Galmudug iyo Banaadir, oo nasiib u yeeshay furitaanka tartanka.

Kulanka oo ahaa mid xiiso badan ayaa waxaa uu ku soo idlaaday barbaro 2-2 barbar dhac ah.

Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -