Digniin laga bixiyey qorshe la isaga horkeenayo beelaha Hawiye & Digil iyo Mirifle

Hogaamiyaha xisbiga Wadajir C/raxmaan C/shakuur ayaa ka digay qorshe la isaga horkeenayo beelaha Hawiye iyo Digil Mirifle oo ay wadaan wasiiro iyo xildhibaano ka tirsan goleyaasha xukuumada Somalia.

C/raxmaan C/shakuur ayaa intaas ku daray in baarlamanka Koonfur galbeed tiradiisa la yareeyey, lana waafajiyey dastuurka maamulkaas sidaas awgeedna ay qalad tahay nin beelaha Hawiye lagu kiciyo in laga sed bursaday xuquuqdii ay ku lahaayeen baarlamanka Koonfur galbeed.

hadalka siyaasiga ayaa ku soo aaday xili maanta ay magaalada Baydhabo u ambabaxeen Wasiiro iyo xildhibaano ka soo jeeda beelaha Hawiye si ay masuuliyiinta K/Galbeed ugala soo hadlaan xildhibaanadii beeshu ku laheyd baarlamanka maamulkaas oo tirooyin laga jaray.

HOOS KA AKHRISO QORAAL UU ARRIMAHAAS KAHA HADLAY SIYAASIGA OO SIDAN KU BILOWDAY:-

Waxaan soo dhoweynayaa xildhibaanada loo xulay Baarlamaanka Koonfur Galbeed oo lagu jaangooyey tiradii ku qornayd Dastuurka KG oo ah 95 Xildhibaan. Waxaan xog ku helay in ay u badan yihiin dhalinyaro aqoon leh. Waxaan kaloo ugu baaqayaa maamulka KG in ay xaliyaan dhibaatadii ay dawlada Federaalka ah gaystay deegaanka xiligii doorashada, kana soo baxaan balantii ay shacabka KG u qaadeen.

Haddii ay tirada xildhibaanada Baarlamaankii hore ahayd 149, waxaa dabiici in saamiga beelaha ay wax iska dhimaan. Waxaan ka digayaa in aan lagu dhicin dabin siyaasadeedka lagu kala fogeynayo beelaha Hawiye iyo Digil & Mirifle. Waxaan ku baaqayaa in la joojiyo xiisada siyaasadeed ee laga dhex hurinayo labada beelood ee dhaqan iyo deegaan wadaag ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -