Guddiga doorashooyinka Qaran oo War soo saaray iyo Deni oo ka soo horjeestay

Guddiga Madaxa bannaan ee doorashooyinka Qaranka ayaa bil ka dib soo dhoweeyay ansixinta iyo saxiixa sharciga doorashooyinka heer federaal iyo meelmarintiisa, wuxuuna guddiga ku tilmaamay tallaabo taariikhi ah oo horay loo qaaday.

Sidoo kale. Guddiga Madaxa bannaan ee doorashooyinka Qaranka ayaa ka codsaday goleyaasha sharci dejinta iney dedejiyaan meelmarinta dib u eegista sharciga Xisbiyada oo hadda horyaala Golaha Shacabka si xisbiyada ugu gudbaan xisbiyo rasmi ah oo sharciyad u leh iney ka qeyb galaan doorashada 2020/21.

Hase ahaatee Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdulaahi Deni, ayaa sheegay in ujeedo gaar ah laga leeyahay hadalka guddiga Doorashada DFS kasoo yeeray oo ku saabsanaa arrimaha doorashooyinka.

Madaxweyne Deni ayaa ku tilmaamay hadal guddiga doorashada mid aanu u muuqan in sharci lagu taageerayay, balse ay u arkaan mid looga hordhacayo dadaalada ay Puntland wado, laguna fashilinayo gogosha wadahadal ee Garoowe la dhigay.

“Guddiga Doorashada DFS hadalka ay hadda soo jeediyeen ma aha mid sharci waa-hore la ansixiyey lagu taageerayo, ee waxaan u arkaa mid looga hordhacayo dadaalada ay Puntland wado, laguna fashilinayo gogosha wadahadal ee Garoowe la dhigay, waana talaabo labaad oo jid-gooyo ah, marka laga soo tago warsaxaafadeedkii ay Wasiiradu qabteen”ayuu yidhi madaxweyne Deni

Hoos ka akhriso qoraalka ay uu soo saaray guddiga doorashooyinka

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -