Dowlada oo Talaabo ka qaadeysa cidii ku takri fashaa isticmaalka Numberka 499

Wasaarada Caafimaadka Xukuumada Soomaaliya ayaa magacawday guddi dhaqaatiir ah oo loogu tala galay in bulshada ka wecyi galiyaan caabuqa Caronavirus sidoo kale lala soo socodsiiyo hadii ay jiraan dad isaga shakiyay caabuqan.

Guddiga badqabka bulshada ee cudurka Caronavirus ayaa loo sameeyay number gaaban ay bulshada kala xariiri karaan hadii ay arkaan qofka isaga shakiya cudurka Caronavirus, waxaa sidoo kale numberkaasi laga diraa fariimo wacyi galin ah.

Sida aan wararka ku helnay guddiga ayaa ka cawday dad si qaldan u wacaya numberkan gaaban , waxaana guddiga badqabka bulshada dacwo arintaasi la xariirta u gudbiyeen taliska ciidanka booliiska Soomaaliya.

Taliye kuxigeenka ciidanka booliiska Soomaaliya Jeneral Zakiya Zuseen ayaa qoraal kooban ay soo saartay uga digtay bulshada isticmaalka qaldan ee numbarkan gaaban, waxa ayna cadeesay in yalaabo laga qaadi doono cidii ku takri fashaa numberkan   499.

”Waxaan bulshada Soomaliyeed ugu digeenaa isticmaalka qaldan ee numberka 449 oo looga talagalay badqabka dad-weynaha halkaas ay si joogtaha u fadhiyaan dakhaatiir bulshada ugu jawaabaya suaalaha ay ka qabaan ifafaalaha lagu garto cudurka coronavirus (coronavirus symptoms). Hadaba qofkii ku takrafala isticmaalka numberka 449 waxaa laga qaadi doonaa talaabo sharciga waafaqsan.” ayey tiri Jen Zakiya.

Dowlada Soomaaliya ayaa wada dadaalo la doonayo in looga hortago in caabuqa Caronavirus oo dhibaato xoogan ku haya caalamka uu ku faafo  Soomaaliya , waxaana kaliya la xaqiijiyay in laga helay caronavirus hal qof oo dibadda ka yimid.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -