Ogow Halista Lacagaha gacanta lagu qaato u leeyihiin Faafida Cudurka Caronavirus

Afhayeenka Hey’ada Caafimaadka Aduunka ee WHO ayaa dhawaan sheegay in isticmaalka lacagaha gacanta lagu qaado ay sii kordhin karto faafida caabuqa Corona viruska ee dunida ku baahay.

Talooyinka caafimaad ee la soo jeediyay ayaa waxaa kamid ahaa in laga fogaado lacagta gacanta lagu qaado taasi badalkeedana la isticmaal Adeega Talefonada lacagaha la isugu diro ee Mobile Money transfer.

Dalka China oo ah dalka ugu badan ee uu saameyey cudurka Corona Virus, ayaa gubtay guud ahaan lacagihii cash ahaa ee laga isticmaali jiray dalkaasi, waxayna dadka ku amreen in ay isticmaalaan adeegga la isugu diro lacagaha ee Mobile Money transfer-ka.

Bankiga Dhexe ee Wadanka Kenya ayaa isniinta ku dhawaaqay in dowlada Kenya ay dhiirigalineyso isticmalka lacagaha Talefonada si looga hortago in caabuqa Corona

Viruska uu sii fido waxaana la kordhiyay cadadka Lacagaha lagu shuban karo Talefonada
Wadamada qaar sida Koonfur Kuuriya iyo dowlada s ayaa ka fikiraya hadii ay Suuragal tahay in dalalkaasi ay iminka bilaabana isticmaalka Lacagaha Talefonada hadii Qatarta Cudurkan ay sii socoto

Soomaaliya oo kamid ah goobaha laga helay Cudurkan ayaa meelaha qaar aad loo isticmaala lacagaha gacanta lagu qaado inkastoo adeega lacgaha la isugu diro taleefonada ee EVC Plus uu si xoog leh uga shaqeeyo Soomaaliya.

Ganacsatada Sarifka Lacagaha Qalaad Darawalada Gaadiidka Blka ka dhax shaqeeya Gudaha Magaalada Muqdisho iyo Ganacstada iibis Cabitaanka Qudrada laga sameeyo ayaa qaba aragti ku aadan in lacagaha gacanta lagu qaado keeni karto qatarta cudurka Corona virus taasi badalkeedana si aad u xoojiyo isticmaalka lacagaha taleefanada lagu qaato sida adeegga EVC Plus oo ay bixiso shirkadda isgaarsiinta Hormuud dadkuna ku isticmaalaan si bilaash ah.

Shaqaalaha iyo macaamiisha Bangiyada waa weyn ee ka shaqeeya Magaalada muqdisho ayaa qaarkood la arkayay in ay isticmaalayaan qalabka looga hortagayo jeermiska keena cudurka coronavirus taasi oo ay ka dhigan tahay feejignaanta qatarta saf mareenka ah ee cudurkaasi uu leeyahay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -