COVID-19 oo caalamka geliyey dagaalkii 3aad & sida uu Somalia u saameynayo

COVID-19 oo addunka geliyey dagaalkii 3aad ee adduunka. Labadii dagaal weyne ee addunka ka dhacay waxaa sababteeda lahaa dadka oo sameeyey dagaalo lagu hoobtay. Kan hadda ka socda adduunka waxaa sabab u noqday virus aan la aqoon meel uu ka yimid oo ah boqortooyada viruska.

Wadamada adduunka oo dhan waxaa mideeyey dagaalka ay kula jiraan COVID-19. Diyaargarawgu waa qeyb ka mida difaaca looga hortegayo dagaalka lagula jiro COVID-19. Dagaalka lala gelayo iyo difaaca looga hortegayo COVID-19 waa mid u baahan dhaqaale aad u fara badan.

Dagaalkan addunka oo dhan wada gaarey kuwii ka horeeyey waa ka dhimasho yar yahay, laakiin khasaarihiisa dhaqaale ayaa kun milyan oo jeer iyo ka badan gaarsiinaya wadamo badan oo ay ku adkaaneyso iney si fudud uga soo kabtaan, waxaana dhaqaalexumada wehlinaya xasiloonidarro siyaasadeed.

Soomaaliya waa dal aan u diyaarsaneyn dhaqaale ahaan iyo siyaasad ahaan labadaba iney difaac adag uga hortagto COVID-19, laakiin waxaysan doodi ka taagneyn in qasaaro nafeed oo fara badan uu u geysanayo dalalka aan lahayn dhaqaale xoogan oo ay isaga caabiyaan faafida cudurka.

Muqdisho waa magaalada ugu halista badan oo khasaaraha nafeed uu soo gaarayo. Waxaa magaalada saaran karantiil siyaasadeed oo wadooyinka magaalada lagu xiray, waxaana intaas u sii dheer go’doominta dhaqaale ee uga imaneysa dhinaca badda iyo cirka oo xirma.

Maanta baahi looma qabo siyaasiyiin wasaaradda caafimaadka oo ka hadla cudurka. Waxey joogtaa maanta aqoon iyo qibrad caafimaad aqoonyahan leh oo jooga gudo iyo dibedba in loogu wacdo Soomaalinimo, lana sameeyo gudi dhaqaatir oo ka madaxbanaan dowladda.

Dhaqaatiirta loo qabo baahida weyn ee aqoontooda caafimaad waa kuwa leh taqasus caalamiya ee xakameynta cudurada faafa (epidemiologists) iyo kuwa la tacaamula cudurada viruse-ka (virologists). Gudi ay qubaradaas hogaaminayaan ayaa Soomaaliya ka samato bixin kara faafida cudurka COVID-19.

Wadamada dhaqaalahoodu iyo horumarka sancadoody sareyso waxey ku qaadaneysa xakameynta cudurka COVID-19 ugu yaraan saddex bilood, meesha wadamada saboolka ah oo horumarka adduunka ka haray ay ugu yaraan ku qaadaneyso xakameyntiisa lix ilaa sagaal bilood.

Siyaasiyiinta Muqdisho muxaafad iyo mucaarad wuxuu xil waajiba ka saaran yahay in si xilkasnimo leh oo wadajira loogu diyaar garoobo xasilinta siyaasadaha ka kacaya mowjadaha dhaqaale burburka uu la imaanayo faafida cudurka COVID-19 oo ay ka dhalan karto gadood shacab (total civil disobedience).

Saciid Ciise Maxamuud (Saciim)
Maine, USA

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

 

- Advertisement -