Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Turkiga oo dib usoo celineysa Xiriirkii Diblumaasiyadeed ee kala dhaxeeyay Israa’iil

Dowladaha Turkiga iyo Israa’iil ayaa dib usoo celinaya xiriirkoodii diblumaasiyadeed oo muddooyinkii lasoo dhaafay xumaa, waxaana labada dal dib boorka uga jafayaan xiriirkii dhinaca diblumaasiyadda ee u dhaxeeyay.

Ra’isul Wasaaraha Israa’iil Yair Lapid, ayaa sheegay in dib loo soo celinayo xiriirkii kala dhaxeeyay Turkiga, waxa uuna xusay in lasoo celinayo safaaradaha iyo qunsuliyadaha labada dal u dhaxeeya.

“Waxaa la go’aansaday in mar kale heerka xiriirka labada dal la gaarsiiyo xiriir diblomaasi oo dhameystiran, lana soo celiyo safiirrada iyo qunsullada labada dal,” waxaa sidaas lagu yiri bayaan kasoo baxay xafiiska Lapid.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa bogaadiyey isfahamka diblomaasi ee labada dhinac wuxuuna ku qeexay “hanti muhiim u ah xasilloonida gobolka iyo war wanaagsan oo dhaqaale oo ay heleen shacabka Israa’iil .

Wasiirka arrimaha dibedda Turkiga Mevlut Cavusoglu ayaa dhankiisa sheegay in dib loo soo celinayo xiriirka labada dal, waxa uuna cadeeyay in labada dal soo magacaabayaan safiirro labada dal u kala fadhin doona.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Maxaabiis ka baxsatay xabsiga ugu adag Kenya oo lacag la dul dhigay (Sawirro)

Caydiid Ali

Guddoonka labada Aqal oo magacaabay Guddiga KMG ah ee Maaliyadda (Magacyada)

Caydiid Ali

Jubbaland oo War ka soo saartay qaraxii ka dhacay deg. Baardheere (Sawirro)

Caydiid Ali