Gobanima-Doonka Odayaasha iyo Qaraabka Siyaasiyiinta Puntland !!!

Dawlad-gobaleedka Puntland ee Somaliya oo doorashadeeda ay ka dhimantahay sanad ka yar ayuu ka socdaa is maan-dhaaf u dhaxeeya Odayaasha dhaqanka iyo Siyaasiyiinta u tartamaya doorashada la filayo 2019 ka.

Gobalada Puntland ayaa leh Taariikh dheer iyo kaalin Hormuud oo ay kasoo qaateen Halgankii Gobanima-doonkii hubeysnaa iyo kii Siyaasadeed ee Xorriyada, Dhismihii dawladnimada Somaliya iyo Axzaabtii Madaniga, Dagaalkii Kali-talisnimada, Dhismihii Dawladihii ku meel-gaarka ahaa 2000 – 2012, Hindisaha Federaalka Somaliya iyo dhismaha hay’adaha Fedaraalka iyo Dawlada Rasmiga ee la aqoonsaday 2012. Sidoo kale waxa ay horseed ka ahaayeen: Hindisaha, Sharciyaynta iyo Dhismaha Maamul-gobaleedyada dalka, waxa ayna Dastuurka Puntland ku cadeeyeen in uu ku meel-gaar yahay inta laga helayo Dawlad Soomaliyeed oo mid ah, Madaxna banaan??? Maadaama uu ka horreeyay Dastuurka Somaaliya!.

Boqorada, Isimada, Garaadyada, Islaanka, Beeldaajiyaha iyo Cuqaasha reer Puntland iyaga oo milicsanaya Taariikhdaas Horseed-nimo iyo Qabka Siyaasadeed ayey kasoo hor-jeesteen Rabitaanka Siyaasiyiinta Xil-doonka iyo Qaraab-doonka ah, Mowqifkoodna ka muujiyeen: Heshiiskii Dekeda Boosaaso iyo DP World, Soo dhawayntii Madaxweyne Farmaajo ee Puntland iyo Socdaalkii ugu danbeeyay ee Madaxweyne Gaas ku tegay Imaaraadka, waxa ayna cadeeyeen in aysan gor-gortan ka galeen Gobanimada Puntland iyo Taageerada Dawladda Fedaraalka iyo Madax-banaanideeda.

Laakiin waxaa maan-dhaafsan Odayaasha Puntland Siyaasiyiinta aan dib u milicsan Taariikhda iyo Halgankii Aabayashood iyo Adeeradood ee u kala dhuumanaya Addis iyo Abu dhabai, gaar ahaan xilliga ay soo dhawaato Doorashadu una muuqda in Qaraabka iyo Kursigu kala wayn-yahay Gobanimada iyo Madaxbanaanida!

Hadaba waxaan Madaxwayne Farmaajo ka rajaynaynaa in uu Gogol-nabadeed u fidiyo Odayaasha iyo Siyaasiyiinta Puntland, Ahmiyadda iyo Kaalinta ay ku leeyihiin Midnimada iyo Dawlad-nimada Somaaliya Awgeed.

W/Q Dr Mohamed Nur Gacal

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -