Hoobiyeyaal caawa lagu Weeraray xarunta taliska Ciidanka AMISOM ee Xalane

Madaafiic hoobiyeyaal ayaa caawa lagu weeraray xarunta taliska ciidamada AMISOM ee Xalane iyo agagaarka garoonka dayuuradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Goob joogayaal ku sugan nawaaxiga garoonka Aadan cadde ayaa sheegaya inay maqleen jugta illaa afar qarax oo ka dhashay madaafiic lagu soo tuuray xarunta Xalane.
Al-Shabaab ayaa daqiiqado ka dib duqeynta waxay baahisay inay ka dambeeyeen madaafiicda caawa lagu weeraray xarunta Xalane.

“Mujaahidiinta ayaa illaa shan madfac la helay xerada Xalane oo ay deganyihiin ciidamada duullaanka ku soo qaadday dalka Soomaaliya, waxaana jira khasaare dhimasho iyo dhaawac ah oo soo gaaray” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Al Shabaab oo lagu qoray baraha internetka ee ay adeegsato kooxdan.

Marka laga yimaado sheegashada Al-shabaab ma jiraan warar madax banaan oo ka hadlaya weerarkan iyo khasaaraha ka dhashay, sidoo kale lama hayo illlaa hadda war la xiriira falkan oo ka soo baxay taliska AMISOM iyo laamaha amaanka DF.

Xarunta Xalane oo ah meel amaankeedasi weyn loo ilaaliyo ayaa waxaa ku yaalla taliska ciidamada nabad ilaalinta midowga Afrika ee AMISOM, waxaana sidoo kale degan Safaaradaha reer galbeedka, heyadaha samafalka iyo kuwa UN-ka qaarkood, shirkado ajnabi ah iyo heyaddo kale, mana ahan markii ugu horeysay ee Al-shabaab ay madaafiic ku weerarto Xalane.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -