Madaxweyne Waare oo shir jaraa’id ku dhex qabtay biyaha ku fatahay Belad-weyne (Daawo Sawirro)

Madaxweynaha maamulka Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare ayaa sheegay in qoysas ka badan 25 kun ay ku barakaceen daadadkii ugu danbeeyay ee ka dhuftay magaalada Beledweyne.

Waare oo shir jaraa’id ku qabtay biyaha ku fatahay B/weyne dhexdooda ayaa sheegay in biyaha Wabiga Shabeelle dhaafeen xadiggii caadiga ah ee uu ku fatahi jiray, taasoo macnaheedu noqonayo in biyaha hadda ku socda magaalada yihiin kuwo ka soo burqanaya Wabiga oo dacalada jabsaday.

“dhulkii caadiga ahaa iyo Wabigii lama kala garanayo dhibaato xoog leh ayey bulshadu wajahayaan, in ka badan 100 Kun oo ruux ama 26 Kun oo qoys dad lagu qiyaasay ayaa magaalada isaga baxay, badankood waxay wataan carruur, waayeel iyo dad xannuusanaya ayuu yiri” Madaxwyne Waare.

.“Magaalo koronto aan laheyn, Aaladii EVC-ga aysan shaqeyneynin, sidoo kalana aan laga isticmaali karin lacag shil Soomaali ah, biyana ku socdaan waad garan kartaa dhibaatada ka jirta inta ay la eg tahay ayuu yiri ‘’ Madaxweyne Waare oo ciidamada Itoobiya iyo kuwa Jabuuti uga mahad celineyey gurmadka ay ka geysanayaan samatabixinta dadka biyaha ku dhax go’doonsan, isagoo dowlada dhexe ee Somalia iyo heyadaha caalamiga ah iyo bulshada Soomaaliyeed ugu baaqay iney gargaar la soo gaaraan dadka ku bara baxay fatahaadaha.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -