(Sawirro) RW khayre oo kormeeray xarumo loo diyaariyey la tacaalida caabuqa COVID-19

Ra’iisul Wasaaraha Somalia Xassan Ali Khaire ayaa xalay soo kormeeray goobaha loo diyaarinayo hubinta iyo karantiilka dadka looga shakiyay caabuqa COVID-19 iyo daweynta dadka uu haleelo.

Ra’isul wasaaraha waxaa ku wehliyey kormeerkiisa duqa magaalada Muqdisho Cumar Filish iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan DF.

Goobaha ay madaxdu booqdeen waxaa ka mid ah xarunta weyn ee loo qorsheeyay in lagu karantiilo dadka looga shakiyo Coronavirus oo ku taala degmada Waabari gaar ahaan wadada dekada Qalalan ama agagaarka dugsiga sare ee 21-ka Oktoobar.

Sidoo kale waxay komeereen Isbitaalka Martiini oo ka mid ah goobaha loogu talagalay in lagula tacaalo dadka uu ku dhaco Cudurka loo yaqaano COVID-19 ama Coronavirus.

RW ayaa goobahan waxaa warbixino kala duwan ku siiyey masuuliyiin iyo howlwadeeno ka tirsan Wasaarada caafimaadka ee Somalia, iyagoo ka waramay qaabka loo diyaariyey xarumahan iyo baahida jirta.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -