Taliye ka tirsan Jubbaland oo kashifay xiriir dhexmaray isaga, Farmaajo & Fahad Yaasiin

Waxaa qorey: Gaashaanle Mahad Islaam
Taliyaha Daraawiishta Jubbaland ee degmada Afmadow

Bismillaah, Marka hore waxaan salaamayaa dhammaan ummada Soomaaliyeed dal iyo dibadba, si gaar ah waxaan u salaamayaa bulshada reer Jubbaland ee saddexda gobol ku kala sugan.

Salaan kadib waxaan rabaa inaan bulshada Soomaaliyeed la wadaago nuxurka iyo natiijada ka dhalatey xiriir ay DFS ila soo sameeyeen oo nuxurkiisu ahaa inaan fuliyo dhowr qodob oo ay DFS ka damacdey Jubbaland gaar ahaan degmada Afmadow ee gobolka Jubbada hoose.

Anigoo ah Gaashaanle Mahad Maxamed Islaam ahna Taliyaha Ciidamada Daraawiishta Jubbaland ee degmada Afmadow, waxaa maalintii arbacada ahayd ee taariikhdu ku beegnay 4-Maarso-2020 ila soo xiriirey sarkaal ka tirsan xafiiska Nabad sugidda Qaranka gaar ahaan xafiiska Saadka kaas oo magiciisa iigu sheegay AXMED lambar telefoonkiisuna yahay (0619288822 ), Sarkaalkaas oo iga dalbadey inaan wadahal la furo taliyaha Nabsugida Qaranka Fahad Yaasiin Xaaji Daahir, wadahalkaas oo ku saabsan in Ciidanka Daraawiishta Jubbaland ee Afmadow aan hoos geeyo DFS anigana waxkasta oo aan dalbado la isiinayo.

Kadib wadahal dheer oo aniga iyo Axmed na dhexmarey waxaa suuro gashey inuu si toos ah noo wada hadashiiyo Fahad oo nuxurka hadalkiisu ahaa inaan dhowr qodob sameeyo markaan howshaas qabtana dalab kasta oo afkeyga kasoo yeera la ii sameyn doono.

Qodobada uu Fahad iga codsadey ugu horeyn sidan ayay ahaayeen

1- In Ciidamada aan xukumo aan ka qaado Afmadow oo aan geeyo deegaanka Dhuyac-Garoon halkaasna aan ka hirgaliyo saldhig ciidan kaas oo noqon kara mid mustaqbalka dhow DFS u sahli kara inay la wareegto deegaanka Diif ilaa Raaskaambooni, intaas wuxuu ku darey taliyuhu in aan sameeyo garoon yar oo ay ku soo degi karaan diyaaradaha qumaatiga u kaca ee HELICOPTER-ka loo yaqaano, kuwaas oo ciidan lagaga soo daabuli doono Muqdisho halkaasna la’iigu keeni doono gurmad ahaan.
Qodobkaas waxaan u sheegay inuu igu adagyahay suuro galna ii noqon karin.

2- Inaan tago Dhoobley oo aan la wareego garoonka Diyaaradaha Dhoobley halkaasna sida ugu dhakhsaha badan ay gurmad iiga soo diri doonaan Xamar sidaasna lagula wareegi doono Dhoobley, qodobkaas asagana waan ka biyo diidey waxaana u sheegey in hadda uu Dhoobley ku sugan yahay Madaxweynaha Jubbaland amnigeeduna aad u adagyahay.

3- Qodobka sadexaad ee aan isku fahaney wuxuu ahaa in garoonka diyaaradaha Afmadow aan la wareego muddo saacad gudeheedna ay gurmad isoo gaarsiin doonaan, laakiin inta aan gurmadka la isoo dirin ka hor aan muuqaal u diro kaas oo aan kaga hadlayo lix qodob oo ayagu iisoo qoreen iguna dheheen sidooda u akhri baraha bulshadana gali kadibna gurmadkanaga ayaa kusoo gaaaraya.

Qodobada ay iisoo qoreen oo uu Axmed iisheegay in uu Fahad soo qorey sidan ayay u dhignaayeen:

1. Waxaanu nahay ciidan utaagan nabad iyo ilaalinta sharafta umada iyo nabada shacabka, sidaas ayaana kusoo shaqaynay mudo uguna adkaysano dhibaato badan oo nasoo martay.

2. Khilaafka joogtada ah ee maamulka Jubaland kala dhaxeeyey dowladihii hore iyo dowlada hadeer jirta, waxaan rajo ka qabnay n maamulka Jubaland uu layimaado maskax iyo talo soomaalinimo, oo lajaan-qaadi karto qaran soomaaliyeed, taasi Jubaland hogaankeeda wey ku fashilantay.

3. Ciidamada Jubbaland ee hadda jira waa hal qabiil sida Puntland iyo Somaliland oo kale marka waxaan rabnaa inaan noqono ciidan qaran oo qabiil kasta leh.

4. Sidaas darteed, laga bilaabo maanta Degmada Afmadow, maamulkeeda iyo ciidankeeda, waxay isku waafaqeen inay ka xorobaan maamulkan Jubaland, oo ay si toos ah u hoos tagaan ciidanka xooga dalka Soomaliyeed, magaalada Afmadow-na, ay noqoto magaalo ay wada leedahay umada soomaaliyeed oo idil.

5. Dowlada Federaalka, taliska xooga dalka, waxaan ka codsanaynaa iney nala soo xiriiraan, oo ay na diiwaangaliyaan, aan ka helno xuquuqdeena.

6. In maant laga bilaabo degmada Afmadow ay ka go’day Jubbaland toosn u hoos tageyso DFS halkaasna looga talin doono.

Qodobadaas markaan fuliyo wuxuu ii balan qaadey in qoyskeyga la iigu rarayo dalka Turkiga, halkaasna la iiga gadayo guri aan dego sidookalena lacag hal malyan ah hormaris la ii siin doono, asagoo igu yiri hadduu jiro qof Xamar kuu joogo oo aad ku kalsoontahay lacagtaas waan kuugu dhiibi karnaa, intaas wuxuu ii raaciyey anigu (Axmed) waxaan ahay ninkii 5ta Malyan ee Doolar u direy saraakiishii fulisey howlgalkii lagu soo afmeerayey Galmudugtii hore waxaana kuu hubaa inaad la shaqeynta Dowladaada aad baraare iyo barwaaqo ku gaari doonto.

Waan ka aqbaley waxaana gashey kalsooni badan kadib waxaa Laila soo xiriiriyey agaasinka Xafiiska hab maamuuska Madaxweynaha Yuusuf Cadaani lambar telefoonkiisuna yahay (0611555551). oo iisheegay in Madaxweynuhu rabo inuu iigu hambalyeeyo go’aanka geesinimada leh ee aan ku garab istaagayo qarankeyga, asaga oo intaas ii raaciyey in aan Madaxweynaha ka codsado waxkasta oo aan jeclahay in la iisameeyo sida dalacsiin darajo ciidan iyo codsi lacageedba intaas kadib ayuu madaxweynaha iigu dhiibey.

Madaxweyne Farmaajo ayaa igu salaamey Jeneraal Mahad waan ku salaamey, waana kuugu hambalyeynayaa garab istaagaaga qaranka iyo inaad qabiil ka dooratey Dowladaada iyo dalkaaga, waa sida ay asaga markaas la tahaye, madaxweynuhu hadalkiisa waxa uu kusoo koobey in dalab kasta oo dhinaceyga ka yimaada la iifulinayo haddii aan fuliyo dalabaadka taliska nabadsugidu ii soo jeediyey, hadda kadibna inaan Caddaani lasoo maro waxkasta oo aan uga baahdo ayuu iigu soo koobey Madaxweynuhu hadalkiisa, waan aqbaley si kalsooni leh waliba, anigoo ka gungaaraya hadafka ay tiigsanayaan ee ugu danbeeya.

Intaas kadib waxaa dib iigu soo laabtey Axmed oo ahaa xiriiriyaha aniga iyo Fahad asagoo iisheegey in si loo fuliyo talaabooyinkii aan isku afgaraney ay barri oo ku aadaneyd maalintii Talaadada 10-Maarso-2020 la iisoo diri doono kharashaadkii aan ku howlgali lahaa oo dhan $100,000 ( Boqol kun oo doolar ), intaas waxaa la ii raaciyey haddii aad na khiyaanto waxaad mareysaa wadada Cabdirashiid Janan oo hadda u dhimanaya khiyaanadii uu nagu sameeyey doorashadii Jubbaland, maadaama uusan fulinin ballanqaadyadii uu noo sameeyey.

taasna tahay sababta illaa hadda aan u daba taaganahay una dhiman doonno aysanna jirin wax danbi oo kale oo loo haysto oo aan taas ahayn. Hadalkiisa asaga oo sii wata ayuu iyiri Kismaayo lacago badan ayaa nagaga baxey natiijadii aan ka rabneyna wali kamaanan gaarin marka sababta aan degmooyinka kale ugu wareegney fahan.

Maalintii Isniinta 9-Maarso-2020 ayaa waxaa ila soo hadley Axmed oo ii sheegey inay iiga baahinyihiin inaan damiyo dhamaan isgaarsiinta Afmadow iyo deegaanada hoos taga, si aan warka loo helin maalinta arbacada ku aadan ee aan ku ballaney inaan howsha fulino, sidaas awgeed waxay iweydiiyeen inaan haysto telefoonka loo yaqaano Tooreeyaha (Thuraya) ee ku shaqeeya khadka dayax gacmeedka (Sattelite) si aan ayaga ugala xariiro marka aan isgaarsiinta gudaha jaro kadib. Waxaan u sheegay inaan haysto telefoonkaas sidaas darteed ayaa waxay ii soo direen $3000 ( Saddex Kun oo doolar) oo ay ugu talagaleen inaan ku gato kaarka ku hadalka Tooreeyaha maadaama uu qaali yahay dalka gudihiisana aan laga helin.

Subixii xigtey ee Talaadada 10-Maarso-2020 ayaa la ii soo direy lacag dhan $80,000 ( Sideetan kun oo doolar) oo rasiidkeedii iyo cadeynteedii aad ka arki kartaan sawirka hoose.

Intaas marka ay noo mareyso lacagtiina aan xawaalada ka soo qaadey ayaguna ay iga sugayaan in aan tallaabadii aan ku ballaney ee ahayd inaan garoonka Afmadow la wareego isgaarsiinta jaro ayaan joojiyey xiriirkii halkaasna gabi ahaanba kusoo afmeerey maaweelo caruureedkii maalmaha kooban socotey, kadib markaan amar ka helay madaxweynaha Jubbaland mudne Axmed Maxamed Islaam oo min bilow ilaa dhamaad sheekada aan la socodsiinayey maalinba halka ay mareyso la jilitaankeedana aan isku ogeyn, lacagtii dhamaanteed waxaan ku shubay qasnada wasaarada Maaliyada Jubbaland oo ayadu leh maamulka iyo maareynta lacagtaas.

Markaan joojiyey xiriirkii aan wax jawaab ah siin waayey waxay iisoo direen farriimo hanjabaad ah oo ay igu leeyihiin inaan noqon doono dambiile ay hay’adaha caalamiga ahi baadi goobi doonaan dhegna jalaq uma siinin.

Baaq.

Waxaan shacabka, Saraakiisha ciidamada qeybahooda kala duwan iyo madaxda Jubbalandba kula dardaarmayaaa uguna baaqayaa adkeynta midnimadooda iyo inaynan sharaftooda, damiirkooda iyo dadnimadooda shilimaad barri dhamaan doona aysan ku gadanin.

Mahadsanidiin.

———————————————————————————————–

AFEEF: Allbanaadir online ma xaqiijin karto xaqiiqada sheekadan iyo inuu jiro xiriir dhexmaray Madaxweyne Farmaajo, taliyaha NISA iyo taliyaha ciidanka daraawiishta Jubbaland ee Afmadow, kamana turjumayo qoraalkan aragtida Allbanaadir Online, wuxuuna gaar u yahay sarkaalka qoray.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

- Advertisement -