Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Macron “Xamaas dagaal loogama adkaan karo, xalku wuxuu ku jiraa..”

Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron oo ka hadlayay shir madaxeedka isbadalka cimilada ee COP28 ayaa sheegay in uu u safri doono dalka Qatar si uu u raadiyo xabad joojin cusub oo dhexmarta Israa’iil iyo Xamaas.

“Xaaladdani waxay u baahan tahay in la labanlaabo dadaallada lagu doonayo in lagu gaaro xabbad joojin waarta iyo in la sii daayo dhammaan la haystayaasha Xamaas.

“Sidoo kale waxaa loo baahan yahay in la gaarsiiyo dadka Qaza gargaarka ay sida degdegga ah ugu baahan yihiin.” ayuu yiri

Macron waxa uu sheegay in ujeeddada Israa’iil ee burburinta guud ee Xamaas ay u baahan tahay in la caddeeyo sababtoo ah waxa ay keeni kartaa toban sano oo dagaal ah”.

Waxaa uu sheegay in Xamaas aan looga adkaan karin dagaal, isagoo xusay in xalka uu ku jiro in la helo dowlad ay leeyihiin shacabka reer Falastiin, taasoo sababi karta in nabad lagu wada noolaado.

Related posts

Maxkamad ku taalla Hargeysa oo Xukun jilicsan ku riday Nin & Haweeney dembi culus galay

Caydiid Ali

Daawo: Maxay dadka Reer Muqdisho ka barteen Musiibadii 14-kii Oktoobar?

Caydiid Ali

Xiliga iyo goobta uu ka dhacayo kulanka Donald Trump & Kim John un oo la shaaciyey

Caydiid Ali
Taboola Ads ---