Barakac xoogan oo ka bilowday Mandhera iyo dagaalo mar kale laga cabsi qabo

Magaalada Mandhera ee ku taalla xadka dalalka Kenya iyo Soomaaliya ayaa la sheegay in dad badan ay halkaas ka barakacayaan saaka, kuwaasoo ka cabsi qaba xiisadda halkaas maalmahanba ka taagneyd.

Dadkan aya la sheegay in u qaxayaan deegaannada kale ee hoos taga ismaamulka Mandheera oo ay kamid yihiin Carabiya, Raamu, Takaba, Khalaaliyo iyo dhanka kale ee dalka Itoobiya.

Mas’uuliyiinta Mandhera ayaa sheegay in ciidamo taabacsan wasiirka amniga Jubaland, Cadirashiid Janan ay ku sugan yihiin gudaha Mandheera, arrintaasoo ay sheegen inay khatar ku tahay amniga shacabka Mandhera, ayna sabab u tahay barakaca ka socda degmadaas.

Gudoomiyaha degmada Mandhera Cali Ibraahim Rooba, ayaa bartiisa Twiter-ka ku qoray in ciidanka Jubbaland ay ku sugan yihiin gudaha magaalada.

“Ciidamada Jubaland waxay dhex socdaan gudaha Mandhera, gaar ahaan xaafadda Bulla Jamhuri, arrintanna waxay khatar ku tahay amniga shacabka Kenyanka ee ku nool Mandheera, Dowladda Kenyanna waa inay wax ka qabato arrintan ama waxaa ka dhalan doonaa khasaaro nafeed,” ayuu bartiis Twiter-ka ku qoray.

Xildhibaanka laga soo doorto Bariga Mandheera, Cumar Maxamed Macallin ayaa sheegay in ay dadka deegaankiisa ay cabsi soo foodsaartay, kaddib markii qeyb ka mid ah magaalada ay fariisimo ka dhigteen ciidammada wasiirka amniga ee Jubaland, Cabdirashiid Xasan Cabdinuur (Janan).

Xildhibaan Cumar ayaa dowladda Kenya ku eedeeyay inay fariisin siisay ciidammada Cabdirashiid Janan, arrintaas oo uu sheegay in ay halis gelinayso amniga degaanka, wuxuuna xusay in dowladu qaadi doonto wixii dhibaato ah ee arrintaas ka dhasha

Shacabka qaxaya ee Mandhera ayaa sheegay in Dowladda Kenya aysan waxbadan ka qaban ilaalinta ammaanka magaalada, taasina ay keentay inay u barakacaan guryahooda.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -