(Sawirro) Nin isku diyaarinayey weerar isqarxin ah oo lagu qabtay Baydhabo

Booliska Maamulka Koonfur Galbeed ayaa Magaalada Baydhabo ku soo bandhigay Nin xirnaa jaakad miineysan oo ay sheegeen inuu doonayay inuu fuliyo qarax ismiidaamin ah

Ninkan ayaa lagu soo qabtay howlgal ay sameeyeen ciidanka, iyadoo xiliga la soo qabanayay uu watay Jaakad qarax laga buuxiyey, qori Ak-47 iyo waxyaabo kale sida uu sheegay Taliyaha Booliska Baydhabo ee Koonfur Galbeed Mukhtaar Ibraahim Dumbudow.

Taliyaha ayaa intaas ku daray in ninkaas uu doonayay inuu shacabka ku dhaqan Baydhabo isku qarxiyo balse laga hor tagay inta uusan dhibaato geysan, mana faahfaahin taliyaha magaca ninkan, halka laga soo qabtay iyo sida ay ku suuragashay in gacanta lagu dhigo isagoo jaakada la isku qarxiyo xiran.

Dhinaca kale, Taliyaha ayaa sheegay in nin kale oo ka soo goostay Al-shabaab uu isku soo dhiibay Ciidanka amniga Koonfur Galbeed.

“Ninka isku soo dhiibay Ciidanka Booliska waxaa magaciisa uu ku sheegay Aadan Ibraahim, isagoo xusay inuu ka howlgeli jiray Jubbooyinka gaar ahaan aaga degaanka Baar-sanguuni” ayuu yiri taliyaha oo intaas ku daray in ninkaas la soo dhoweeyey loona sameyn doono dhaqan celin.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -