Allbanaadir.com
NEWSSOUTH WEST

Madaxweyne Laftagareen oo lagu soo dhoweeyey degmada Diinsoor (Daawo Sawirro)

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed(Laftagareen), iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray Degmada Diinsoor ee Gobolka Bay.

Laftagareen iyo xubnaha kale ee ku wehliya Safarkiisa ayaa Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Diinsoor waxaa ku soo dhoweeyay mas’uuliyiinta maamulka Degmada Diinsoor iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada.

C/casiis Xasan Maxamed, Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa lagu wadaa inta uu halkaasi ku sugan yahay inuu ka qeyb galo xafladda caleema saarka maamulka Cusub ee Degmada Diinsoor oo ay dhawaan soo doorteen Golaha degaanka ee Degmadaas.

Sidoo kale, Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa kulamo la yeelan doona waxgaradka iyo qeybaha bulshada ee degmada Diinsoor, wuxuuna booqan doonaa xarumaha maamulka iyo kuwa kale ee degmada ku yaalla.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dowladda oo Shaacisay in 50-xubnood Al Shabaab looga dilay howlgal wali socda

Cabdi Cade

Milatariga Israa’iil oo qaaday tallaabo deg deg ah kaddib dilkii Samafalayaal reer Galbeed ah

Cabdi Cade

(Video) Dagaalkii ka socday Dhuusamareeb oo xoogeystay iyo duqeyn culus oo ka socota

Caydiid Ali