(Video) Dagaalkii ka socday Dhuusamareeb oo xoogeystay iyo duqeyn culus oo ka socota

Waxaa sii xoogeystay wixii ka dambeeyey duhurnimadii maanta dagaalo culus oo saaka ka bilowday magaalada Dhuusamareeb ee gobolka Galgaduud kuwaasoo dhexmaraya ciidamada dowlada iyo kuwa ahlu sunna.

Dagaalka xoogiisa ayaa la soo sheegayaa inuu ka socdo hareeraha xaarunta Inji oo ay joogaan madaxda sare ahlu suna iyo ciidamo daacad u ah.

Goob joogayaal ayaa sheegaya in ciidamada dowlada ay madaafiic culus ku garaacayaan xarunta Inji, iyagoo iska dayaya iney ka saaraan xoogaga ahlu suna ee halkaas ka dagaalamaya.

“Madaafiic habow ah ayaa si aan kala joogsi laheyn ugu dhacaya Xaafada Magaalada Dhuusamareeb oo intooda badan dadkii daganaa go’doon ku yihiin, xaalada ayaa ah mid adag waxaana tan iyo xalay gurihooda go’doon ku ah dadka shacabka ah ee ka ag dhow goobaha lagu dagaalamayo kuwaa oo aan helin cunto, biyo iyo koronto aaga dagaalku ka socdo” sidaas waxaa yiri weriye ku sugan magaalada Dhuusamareeb oo la hadlay allbanadir Online.

Labada Isbitaal ee magaalada ugu waaweyn ayaa la sheegay iney xiran yihiin ka dib dagaalada socda illaa saaka ay saameyn xoogan ku yeesheen, waxayna labaduba ku yaallaan meelo aad ugu dhow goobaha dagaalku ka socdo oo aysan suuragal aheyn in loo dhowaado rasaasta xoogga leh ee socota awgeed.

Dadka ku dhaawacmay dagaalka ayaa la sheegay in qaarkood lagu hayo xaafadaha magaalada qaarkood, iyagoo aan helin daryeelkii caafimaad ee ay baahnaayeen, halka qaar kale loo qaaday degaano kale, waxaana dagaalka ku dhintay dad fara badan oo iskugu jira labada dhinac iyo shacab inkastoo aan tirakoob sax ah laga heynin.

HOOS KA DAAWO SIDA AY TAHAY MAANTA XAALADA DHUUSAMAREEB

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -