Wararkii ugu dambeeyey xaalada Dhuusamareeb & Shiikh Shaakir oo digniin bixiyey

Maxamed Shaakir Cali Xasan oo ah Madaxweynaha Galmudug garabka Ahlusunna ayaa ku eedeeyey dowlada Somalia iney Abaabul Dagaal ka wado mar kale magaalada Dhuusamareeb kaasoo lagu beegsanayo Madaxda Ahlusunna.

War-Saxaafadeed ka soo baxay Xafiiska Maxamed Shaakir Cali Xasan ayaa looga hadlay iska horimaad kooban oo xalay ka dhacay Dhuusamareeb kaasoo dhexmaray ciidamada dowlada ee taageerasn madaxweyne Qoorqoor iyo kuwa ahlu suna.

“Ciidamada Dowladda waxay soo weerareen Xarunta Inji oo ay degan yihiin hoggaanka Ahlusunna, sidoo kale maalmahihii la soo dhaafay waxay wadeen xiisado keeni kara dagaal” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay ahlu suna.

Dhinaca kale, War-saxaafadeed ka soo baxay Xafiiska Madaxweynaha Galmudug Axmed Qoor-qoor ayaa ahlu suna ku eedeeyey iney ka dambeysay iska horimaadka xalay dhacay, isagoo ku baaqay in nabada la ilaaliyo.

Wararkii ugu dambeeyey ee naga soo gaaraya Dhuusamareeb ayaa sheegaya in xaalada magaalada ay saaka tahay mid tahay inkastoo laga dareemayo xiisada ka dhalatay iska horimaadkii xalay dhacay, waxaana jira warar sheegaya in qoysaska qaar ay isaga barakaceen agagaarka xarumaha ahlu suna iyo dowlada, iyagoo ka cabsi qaba inuu saameeyo haddii uu dagaal qarxo.

HOOS KA AKHRISO WAR-SAXAAFADEEDKA AHLU SUNA.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -