Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Dayuuradaha Maraykanka oo duqeyn ku dilay Max’uud Xaaji Salaad

Dayuuradaha aan duuliyaha laheyn ee Mareykanka ayaa duqeyn ku dilay maamulihii Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud ee laanteeda magaalada Jilib

Sida ay sheegeen mas’uuliyiinta shirkadda Maxamuud Xaaji Salaad, oo ku jiray da’da dhowr iyo lixdan jirka ayaa xilliga la duqeynayey ku sugnaa beertiisa oo ku taalla meel u dhow magaalada Jilib ee gobolka Jubbada dhexe.

Maamulka shirkadda Hormuud oo la hadlay BBC-da ayaa xaqiijiyay dhacdadan, waxayna sheegeen in labo gantaal lagu dhuftay beerta maamulaha, halkaasna uu ku geeriyooday.

Ma jirin cid kale oo wax ku noqotay dhacdadaas. Lamana oga sababta loo beegsaday Maxamuud Xaaji Salaad, iyadoo War horey uga soo baxay Dowladda Federaalka Soomaaliya lagu sheegay in ninka lagu dilay duqeyntaas uu ahaa sarkaal ka tirsan Al-Shabaab.

Mas’uuliyiinta Hormuud dhankooda ma aysan sheegin in ninka u shaqeynayay uu gacansaar la lahaa ama uu ka tirsanaa Al-Shabaab, iyadoo shirkaddan ay tahay mida ugu weyn Somalia ee bixisa adeega isgaarsiinta iyo internetka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Sheekh Shariif oo baaq ku aadan Xaalada Laascaanood u diray Dowladda Soomaaliya

Cabdi Cade

Cumar Filish oo amar & digniin siiyey Shirkadaha ka shaqeeya qeybinta Udxiyada

Caydiid Ali

Daawo Sawirro: Ruushka oo Tijaabiyay Gantaal casri ah oo Xambaari kara Nukliyeerka 

Cabdi Cade
Taboola Ads ---