S/Guuto Cismaan Max’ed C/llaahi & saraakiil kale oo gaaray Dhuusamareeb (Sawirro)

Saraakiil uu horkacayey Taliye ku-xigeenka Koowaad ee ciidanka Booliiska Soomaaliya Sareeye guuto Cismaan Maxamed Cabdullaahi ayaa galabta gaaray Magaalada Dhuusamareb

Wafdiga ayaa waxaa Garoonka Diyaaradaha magaalada Dhuusamareb ku soo dhoweeyey Saraakiil iyo Ciidamo Booliis ah iyo qeybaha kale Bulshada magaalada.

Sareeye guuto Cismaan Maxamed Cabdullaahi ayaa mudada uu ku sugan yahay magaalada Dhuusamareeb wuxuu kulamo la qaadan doono madaxda Galmudug iyo taliska ciidanka Booliska maamulkaas oo uu kala hadli doono sidii loo horumarin lahaa Booliska iyo tayeynta howlahooda.

booqashada taliye ku-xigeenka Booliska ayaa ku soo aadeysa maalmo ka dib markii ciidamada amaanka magaalada dhuusamareeb ay la wareegeen labada kontrol ee magaalada Dhuusamareeb oo ay horey u joogeen ciidamo taabacsan ahlu suna.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -