Allbanaadir.com
NEWSSOUTH WEST

Laftagareen oo xariga ka jaray wadada gasha Garoonka dayuuradaha Baydhabo (Sawirro)

Madaxweynaha Koonfur Galbeed C/asiis Xasan Maxamed Laftagareen oo ay weheliyaan qaar ka mid ah Golihiisa wasiirada iyo Xildhibaano heer fedaraal ah ayaa Xariga ka jaray qeyb ka mid ah Garoonka dayuuradaha Baydhabo oo Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Koonfur galbeed ay dayactir ku sameysay.

Qeybta dayactirka lagu sameeyay ayaa waxay ahaan jirtay meel Biyo Fariisin ah oo Dadka iyo Gaadiidka isticmaala Dhibaato badan ku qabeen laakin xilligan waxay u muuqataa mid si fiican loo dayactiray Waxaana la dhigay Dhagaxaanta loo yaqaaano Interlock.

Madaxaweynaha ayaa intaasi kadib, Kor meeray Terminaalka cusub ee laga hago diyaaradaha ee la dhisayo, kaasoo dhismihii xilligan meel wanaagsan ay marayaan.

Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Dawlad goballeedka Soomaaliyeed ee Koonfur galbeed Mudane Xasan Xuseen Maxamed Eelaay ayaa Sheegay in Wasaaraddiisu ay wado Qorsheyaal kor looga qaadayo kaabayaasha dhaqaalaha Koonfur galbeed.

C/casiiis Xasan Maxamed Lafta gareen, Madahaweynaha Koonfur Galbeed ayaa dhankiisa si aad ah u ammaaney Howlaha baaxadda leh ee ay wasaaraddu u hayso Bulshada, waxaana uu ku dhiiragaliyey Wasaaradda iney sii laba jibaarto Shaqada shacabka u hayso.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Taliye kuxigeenkii Ciidanka Nabad Sugida Galmudug oo la dilay iyo Faah Faahino kasoo baxaya

Cabdi Cade

Wasiir Goodax oo ka hadlay sida laga yeelayo ardayda Puntland ee aan gelin Imtixaanka

Caydiid Ali

Xarun Degmo ay Al-Shabaab qarxiyeen oo dib u dhis lagu sameeyay (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---