Eng. Waraabe: “Muuse Biixi Somaliland uma wado Wanaag, waan ka badbaadineynaa”

Guddoomiyaha xisbiga UCID Feysal Cali Waraabe ayaa ka soo horjeestay hadal ka soo yeeray Madaxweyne Muuse Biixi oo ahaa in xisbiyo cusub la furayo ka dib markii mucaaradku iyo dowladu isku afgaran waayeen hanaanka magacaabida guddiga doorashada.

Feysal Cali Waraabe ayaa go’aankaas ku tilmaamay mid sharciga ka hor imanaya uuna Muuse Biixi uga gol leeyahay xisbiyada horay u jiray ee labada ah inuu meesha ka saaro uuna sameeyo xisbiyo yaryar oo isaga u nacamleeya.

“Sharci buu isagu Madaxweyne ku ahaa annaguna sharci baan ku ahayn, hadduu sharciga jabiyo uu xisbiyo cusub keeno isna madaxweye ma noqonayo, marka ninkan dalka uma wado wanaag waanu ka hortageynaa waana ka badbaadineynaa dalka.” ayuu yiri.

Feysal Cali Waraabe ayaa hadalkan ka sheegay shir jaraa’id oo ay magaalada hargeysa si wadajir ah ugu qabteen madaxda xisbiyada mucaraadka ee wadani iyo Ucid.

“Waxaan arkeynaa madaxweynuhu inuu waddanka burbur uu ku wado, burburkaana waan ka hortageynaa markaan soo qaadanno waxyaabaha uu sameeyey labada sana iyo barka u joogay.” ayuu sidoo kale yiri Guddoomiyaha xisbiga UCID Feysal Cali Waraabe.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -