Dal ka tirsan caalamka oo sanadkii 2019 lagu dilay dad ku dhow 3,500 oo qof

Colaadda dalka Afghanistan ayaa waxaa ku dhintay 3,400 oo qof waxaana ku dhaawacmay 7 kun oo kale sanadkii aynu ka soo gudubnay ee 2019 sida ay sheegtay Qaramada Midoobey.

Howlgalka QM ee Afghanistan ayaa ku eedeeyey kooxaha Taliban, ISIS iyo mintidiin kale iney sabab u ahaayeen 49% dadka geeriyooday.

QM ayaa intaa ku dartay in ciidamada taabacsan dowladda iyo kuwa Isbahaysiga uu Mareykanku ku jiro ay sababeen 43% dadka ku nafwaayay colaadda Afghanistan sanadkii hore halka 6% ay sababsadeen isku dhacyo kale.

Warka QM ayaa imanaya iyadoo heshiis xabad joojin muddo todobaad ah oo lagu yareynayo colaadda ay maanta ka dhaqangaleyso Afghanistan taasoo wadada u xaareysa in Mareykanku uu heshiis nabadeed la saxiixdo kooxda Taliban 29-ka bishan, Kaasoo lagu raja weyn yahay iney soo afjarto colaadda 18 sano jirsatay ee dalkaasi, oo noqotay tii ugu waqti dheereyd ee uu Mareykanku ku lug yeesho.

Heshiiska ayaa suurtagelin doona in si tartiib-tartiib ah ay dalkaasi uga baxaan 13 kun oo askari oo Mareykan ah, islamarkaana saamaxaya fursad ay ku wada hadlaan dhinacyada Afghanistan si ay u gaaraan xabbad-joojin rasmi ah oo dalka oo dhan ka hirgasha.

Saxiixa heshiiska Mareykanka iyo Taliban ayaa Sabtida danbe ka dhici doona dalka Qatar, iyadoo ay goobjoog ka noqon doonaan ergooyin ka socda caalamka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

- Advertisement -