Muuse Biixi oo ka hadlay Safarka Farmaajo ee Hargeysa iyo sida uu ku yimid kulankii uu Adis Ababa kula qaatay

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo maanta khudbad u jeediyay Baarlamaanka Maamulkiisa ayaa ka hadlay kulankii dhawaan magaalada Adis Ababa kula yeeshay Madaxweynaha Soomaaliya iyo safarka la sheegay in Farmaajo ku imaanayo Hargeysa.

Muuse Biixi ayaa sheegay in Madaxweyne Farmaajo kulan kedis ah oon horey loo sii qorsheyn kula yeeshay Xafiiskka Ra’isul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed kadiob markii halkaasi isku arkeen.

” 11-kii Bisha February 2020, waxa igu marti-qaaday Xafiiskiisa Ra’iisal Wasaaraha Dalka Itoobiya, Dr. Abiye Ahmed. Salaan, soo dhawayn iyo kulan kooban kadib, waxa uu ii sheegay in Madaxweynihii Soomaaliya uu isna soo galayo Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha in yar kadib. Halkaa ayuu ka bilaabmay kulan kedis ah, oo saddex geesood ah, oo aan hore loo sii qorshayn, oo dhexmaray saddexdayada”

Madaxweynaha Somaliland ayaa sheegay in Ra’isul WasaarahA Itoobiya Abiy Axmed uu ka codsaday in uu dhax gelo uuna dhax dhaxaadiyo Dowlada federaalka Soomalaiya iyo Somaliland, waxa uuna xusay in uu aqbalay soo jeedinta Abiy Axmed.

”Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya waxa uu soo jeediyey in uu dhex-galo dhibaatada dhex-taala Somaliland iyo Soomaaliya, maadaama ay tahay qadiyad ka aloosan Gobolka Geeska Afrika, oo uu Ra’iisal Wasaaruhuna u ololeeyo nabadda, horumarka iyo Iskaashiga Gobolka Geeska Afrika. Dabcan, Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya oo ah shakhsi ku guulaystay Abaal-marinta Nabadda Adduunka ee (Noble Peace Price), isla markaana hoggaamiya dalka labaad ee ugu dadka badan Qaaradda Afrika; Somaliland ahaan waanu aqbalnay soo jeedinta Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya. Kulanku intaas ayuu ku ekaa. Waxa loo ballamay in faah-faahinta iyo ajendaha la galo wixii intaa ka dambeeya. Waxa jira Dawlado kale oo iyaguna hore ugu hawlanaa wada-hadalka Somaliland iyo Soomaaliya, hase yeeshee, kulanka Ra’iisal Wasaaraha lagagama wada-hadal wax tafaasiil ah oo ku saabsan cidda ka qayb noqon doonta wada-hadalka, waxaanu ku koobnaa kulankaasi soo-jeedin iyo aqbalaad.” ayuu yiri Madaxweyne Biixi.

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi ayaa sidoo kale ka hadlay wararka sheegaya in Farmaajo imaanayo Hargeysa, waxa uuna cadeeyay in Farmaajo kaliya Hargeysa imaan karo marka uu ictiraafo maamulka Somaliland.

”Hadal haynta imaatinka Madaxweynaha Soomaaliya ee Hargeysa, suurtagal maaha, mana ogolin. Sababtoo ah, sharciga Caalamiga ah, curfiga Dawladnimo iyo caqliga saliimka ahiba, waxay isku raacsan yihiin in aanu Madaxweyne Dalkiisu gaystay dambiyada iyo xasuuqa intaa leeg, in aanay suurtagal ahayn in uu booqasho ugu tago dadkii iyo dalkii dambiyada loo gaystay. Madaxweynaha Soomaaliya waxa uu iman karaa kaliya  Somaliland marka uu ictiraafo Qarannimada Somaliland” ayuu yiri Muuse Biixi.

Hadalka Muuse Biixi ayaa kusoo aadaya xili maalmihii lasoo dhaafay aad loo hadal hayay in Madaxweynaha Soomaaliya booqasho ku tagayo magaalada Hargeysa kadib markii Ra’isul Wasaaraha Itoobiya Muuse Biixi ku cadaadiyay in Framaajo Hargeysa kusoo dhaweeyo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -