Allbanaadir.com
NEWS

Puntland oo xabsi weyn ka dhiseysa dhul baadiyo ah (Sawirro)

Maamul goboleedka Puntland ayaa qorsheenaya in xabsi weyn ka dhisaan dhul bannaan oo baadiyo ah kuna yaala waqooyiga magaalada Gaalkacyo, xabsigan ayaa goobta laga dhisayo waxaa kormeer ku tagay taliyaal ciidan oo katirsan maamulka Puntland.

Taliyaha ciidanka booliiska Puntaland sareeyo guuto Muumin Cabdi Shire ,taliyaha ciidanka difaaca Puntland Gen. Aadan Cabdi Xaashi iyo Taliye Ku-xigeenka 2aad ee ciidanka asluubta  Puntland iyo saraakiil kale ayaa maanta kormeer ku tagay dhul loogu talagay In laga dhiso xabsiga gobolka Mudug .

Taliyaasha ciidamada maamulka Puntland ee kormeerka ku tagay dhulka laga dhisayo xabsiga gobolka Mudug, ayaa sheegay in muhiim u yahay xabsigan dhisimihiisa Puntland, waxa ayna xuseen in baahiyo loo qabo in la helo xabsiyo waa weyn oo maxaabiista lagu xiro.

Xabsiyo kuyaalla magaalada Gaalkacyo waxaa marar badan ka baxsaday maxaabiis xukunno kala duwan ku dhacay, kuwaa ay ku jireen xubno katirsan kooxda Al Shabaab oo dilal ka geestay Gaalkacyo laguna riday xukunno dil ahaa.,

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Wafdi hordhac u ah safarka Madaxweyne Farmaajo oo gaaray Dhuusamareeb

Caydiid Ali

Ciidamo katirsan Nabad sugida oo gaaray Deegaan lagu arkay xubno katirsan Al Shabaab

Cabdi Cade

Axmed Madoobe oo xabsi ku yaalla Addis ababa ku booqday Cabdikariim Qalbi dhagax (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---