Ciidamo Kumandos lagu soo tababaray Turkiga oo dalka ku soo laabtay (Sawirro)

Qeyb kale oo ka mid ah ciidamada Kumandoska Soomaaliyeed guutada Gorgor ayaa galabta ku soo laabtay magaalada Muqdisho ka dib markii ay tababar adag ku soo qaateen dalka Turkiga.

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xasan Cali Maxamed (Amar-dambe) iyo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Somalia Jeneraal Odawaa Yuusuf Raage ayaa Muqdisho ku soo dhoweeyay ciidamadan oo lagu keenay dayuurad gaar ah oo ay leeyihiin ciidamada Turkiga.

Maalmo ka hor ayey aheyd markii qeyb kale oo ka mid ah ciidamada Kumandoska Gor-gor ay ka soo dageen garoonka Aadan Cabdulle, markii ay dhameysteen tababar ay ku soo qaateen Turkiga.

Dowlada Turkiga oo ah saaxiibka ugu weyn ee ay leedahay Somalia ayaa dowlada federaalka ka saacidaya dhinaca tababarada ciidamada xoogga dalka si ay wax uga qabtaan amaan darida ka jirta qeybo ka mid ah dalka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -