Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Qaar kamid ah Wadooyinka Muqdisho oo Dhagxaanta laga qaadayo iyo kuwa cusub oo la dhigayo

Wasiirka Amniga Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow Ducaale ayaa sheegay in uu socdo qorshe lagu doonayo in dhagxaanta looga qaado qaar kamid ah wadooyinka magaalada Muqdisho.

Waxa uu sheegay Wasiirka Amniga in dhagxaanta lagu xiray wadooyinka magaalada Muqdisho ay qeyb weyn ka qaateen sugida amaanka Muqdisho gaar ahaan ay ka hortageen qaraxyo Al Shabaab damacsanaayeen in Muqdisho ka geestaan.

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in dhagxaanta wadooyinka Muqdisho ku xiran ay dhibaato badan ku qabaan shacabka magaalada degan, waxa uuna balan qaaday in dhagxaanta laga qaadi doono wadooyinka xiran.

Wasiirka Amniga Soomaaliya ayaa cadeeyay in dhagxaanta waa weyn ee ku xiran laamiga Wadnaha laga qaadi doono, waxa uuna sheegay in dhagxaantaasi la geyn doono laamiga Warshadaha.

Mr Ducaale ayaa sheegay in qaraxyo badan oo Al Shabaab doonayeen in ay ku weeraraan magaalada Muqdisho ku adkaatay sidii ay usoo gudbin lahaayeen, waxa uuna xusay in dhagxaanta door weyn ka qaateen amaanka Caasimada.

Shacaka magaalada Muqdisho ayaa dhibaatooyin badan ku qaba dhagxaanta lagu xiray wadooyinka magaalada Muqdisho, waxaa sidoo kale shacabka dhibaato ku qabaan isgoosyada Muqdisho oo ciidamada diidaan in gaadiid kala gudbaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Xildhibaano Mareykan ah oo ku baaqay in Dowlad loo aqoonsado Kooxda Iska-caabinta Taalibaan

Cabdi Cade

Weerar dhaliyay Khasaaro kala duwan oo lagu qaaday xarunta Ganacsi ee Al-Macruuf (Sawirro)

Cabdi Cade

Muuse Biixi oo dhaqan geliyay Miisaaniyadda maamulkiisa ee sannada 2023-ka

Cabdi Cade
Taboola Ads ---