Afar nin oo Shiinees ah oo laga tarxiilayo dalka Kenya iyo Sababta keentay (Daawo Sawirro)

Muwaadiniin u dhalatay dalka Shiinaha oo ganacsi ku lahaa dalka Kenya ayaa laga musaafurinayaa dalkaasi, kadib markii lagu helay in tacadi kula kaceen nin Kenyan ah oo shaqaale u ahaa.

Wasiirka arrimaha gudaha Kenya Fred Matiang’i ayaa amar ku bixiyay in dalka Kenya laga tarxiilo afar nin oo shiinees ah kuwaa oo Maxkamad la saaray kadib markii baraha bulshada lagu baahiyay Muuqaal ka careesiiyay dad badan oo Kenyan ah.

Muuqaalka baraha bulshada lagu baahiyay ayaa laga dhax arkayay mid kamid ah afratan qof ee Shiinaha u dhalatay oo garaacaya nin Kenyan ah oo u shaqeenayay, waxa uuna muuqaalkan abuuray caro aad u badan .

Ciidamada booliiska dalka Kenya ayaa 9-kii bishan Hotelka Wou ee magaalada Nairobi kasoo xiray afartan qof ee Shiinaha u dhalatay, waxaana dadkan lasoo taagay maxkamad iyadoona lagu qaadayay dacwadaha loo heestay.

Wasiirka arrimaha gudaha, Fred Matiang’i ayaa saxiixay warqaddii lagu tarxiili lahaa afarta qof ee u dhashay Shiinaha saacado uun kaddib markii maxkamadda ay booliska siisay muddo 15 maalmood ah oo dheeri ah si ay baaritaanno ugu sameyaan dadkaasi.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -