Al Shabaab oo Weerar xoogan ku qaaday Saldhig ay leeyihiin Ciidamada AMISOM

Dagaalyahano katirsan Al Shabaab ayaa weerar xoogan ku qaaday saldhig ay leeyihiin ciidamada AMISOM gaar ahaan kuwa kasoo jeeda dalka Uganda oo kuyaala duleedka magaalada Baraawe ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Al Shabaab ayaa weerar madaafiic iyo hub kala duwan loo adeegsaday ku qaaday saldhiga ciidamada AMISOM ku leeyihiin deegaanka Ambareesa ee kuyaala duleedka magaalada Baraawe.

War kasoo baxay Al Shabaab ayaa lagu sheegay in weerarkaasi lagu qaaday xerada Ciidamada AMISOM lagu dilay sadex askari oo katirsan ciidamada AMISOM sidoo kale lagu dhaawacay tiro kale .

Taliska AMISOM ayaan wali ka hadlin weerarkan Al Shabaab ku qaadeen saldhiga ay ku leeyihiin duleedka Baraawe, waxa uuna weerarkan kusoo aadayaa xili Al Shabaab weerar khasaaro xoogan dhaliyay dhawaan ku qaadeen Saldhiga AMISOM ee Buulo Mareer.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -