William Barr oo ka cabanaya qoraalada uu Twitterka kusoo qoro Madaxweyne Trump

Xeer Ilaaliyaha Guud ee Mareykanka William Barr ayaa sheegay in qoraallada uu Twitter-ka ku qoro Madaxweyne Donald Trump ee ku saabsan Wasaaradda Caddaalaadda, shaqaaleheeda iyo kiisaska ay gacanta ku haysaba ay “ka dhigayaan inaan shaqadeyda qabsan waayo.”

Hadalkan la yaabka leh ee ka soo yeeray mid ka mid ah xulufada ugu adag ee madaxweynaha ayaa yimid maalmo uun ka dib markii Waaxda Caddaaladdu ay ka soo horjeesatay soo jeedinta garyaqaannadeeda kuna talisay in xukunka laga khafiifiyo Roger Stone oo waqti fog saaxiib la ah Madaxweyne Trump.

Stone ayaa lagu xukumay inuu been u sheegay Koongareeska, inuu farageliyey marqaatiyeyaasha, iyo inuu carqaladeyey caddaaladda xilli lagu guda jiray baadhitaanka faragelinta dowladda Russia ee doorashadii Mareykanka ee 2016-kii.

Trump ayaa sheegay in soo jeedinta xukunka ah 7 ilaa 9 sano oo xabsi ah uu yahay mid aad u daran oo aan caddaaalad ahayn. Go’aanka ah in maxkamaddu ay Stone siiso xukun intaas ka yar ayaa Waaxda Cadaaladda ka soo baxay saacado ka dib qoraalka madaxweynaha.

Waa arrin aan inta badan dhicin in Waaxda Cadaaladdu ay buriso go’aannada garyqaanadeeda marka ay timaaddo kiisaska la xiriira danbiyada. Afartii garyaqaan ee waday kiiska Stone ayaa ku dhawaaqay iney isaga bexeen kiiskaasi, iyadoo mid ka mid ah uu shaqada Waaxda Caddaaladda ka ruqseystay.

Wareysi uu Khamiistii siiyey ABC News ayuu Barr sheegay in Trump uusan weydiisan inuu wax ka bedelo kiisaska danbiyada la xiriira.

“Hase yeeshee, in la sameeyo warbixino furan, iyo tweets ku saabsan wasaaradda, shaqaaleheeda, iyo kiisas ay dacwaddoodu socoto, iyo garsoorayaasha qaadaya dacwadaheena, taasi waa mid shaqadeyda ka dhigeysa mid adag iyo inaan u xaqiijiyo maxkamadaha iyo garyaqaannada wasaaradda inaan u qabaneyno shaqadeenna si hufan” ayuu Barr u sheegay ABC.

“Ma ihi nin loo cagajugleeyo ama ay saameeyn lagu yeesho ha ahaato Congress, warbaahinta, ama madaxweynaha,” ayuu yiri.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -