Ciidamo Kumaandoos ah oo lagu soo dhaweeyay Garoonka Aadan Cadde (Daawo Sawirada)

Ciidamo katirsan Kumaandooska Soomaaliya oo tababar kusoo qaatay xeryo milatari oo kuyaala dalka Turkiga ayaa maanta lagu soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya oo ay wehliyaan saraakiil ka tirsan ciidanka xoogga ayaa garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ku soo dhaweeyay Ciidankan katirsan Kumaandooska Soomaaliya ee kusoo laabtay dalkooda.

Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya Xasan Cali Maxamed (Amar Dambe) ayaa sheegay in ciidankan tababar heer sare ah kusoo qaateen dalka Turkiga, waxa uuna tilmaamay in ciidankan qeyb ka noqonayaan dagaalka ka dhanka ah Al Shabaab.

Waxa uu sheegay Wasiirka Gaashaandhiga in Xukuumada Soomaaliya ay mudnaan gaar ah siineyso dib u dhiska ciidanka Xooga Soomaaliyeed, waxa uuna u mahad celiyay dowlada Turkiga oo kaalin weyn ka ciyaarta tababarka ciidanka Soomaaliya.

Dowlada Turkiga ayaa gacan weyn ka geesata tababarka ciidanka Soomaaliya, waxaana Turkiga Muqdisho uga furay xero weyn oo lagu tababaro ciidanka Soomaaliya halka mararka qaarna dalka Turkiga loo qaado ciidamo si gaar ah loo soo tababarayo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -